Add parallel Print Page Options

Reer Daan Oo Degay Layish

18 Waagaas reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo qabiilkii reer Daan waxay wakhtigaas doonayeen dal dhaxal u ah oo ay degaan; waayo, ilaa maalintaas dhaxal kama ay helin qabiilooyinka reer binu Israa'iil. Markaasay reer Daan qabiilkoodii oo dhan ka direen shan nin oo xoog leh, oo waxay ka direen Sorcaah iyo Eshtaa'ool, inay dalka soo basaasaan oo ay soo baadhaan; oo waxay ku yidhaahdeen, Taga oo dalka soo baadha. Markaasay yimaadeen gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo meeshaasay u hoydeen. Oo markay gurigii Miikaah ag joogeen ayay garteen codkii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi. Markaasay halkaas ku leexdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa halkan ku keenay? Oo maxaad ka samaysaa meeshan? Maxaadse ku haysataa halkan? Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Sidan iyo sidaas ayaa Miikaah ii sameeyey, wuuna i kiraystay, oo anna waxaan noqday wadaadkiisii. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale. Markaasuu wadaadkii ku yidhi, Nabad ku taga; waayo, jidka aad ku socotaan wuxuu hor yaallaa Rabbiga.

Markaasay shantii nin tageen, oo yimaadeen Layish oo waxay arkeen dadkii halkaa joogay oo ammaan ku deggan siday reer Siidoon u xasilloonaayeen oo ammaan u ahaayeen oo kale; waayo, dalka laguma arag wax amar haysta, oo ka xishoodsiinaya, oo reer Siidoonna way ka fogaayeen, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin. Markaasay nimankii walaalahood ugu yimaadeen Sorcaah iyo Eshtaa'ool. Kolkaasaa walaalahood waxay ku yidhaahdeen, War bal warrama. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, War kaca oo ina keena aynu ku duullee, waayo, waannu soo aragnay dalkii, oo aad buu u wanaagsan yahay. Miyaad iska aamusnaanaysaan? War ha ka caajisina inaad tagtaan oo aad dalka gashaan oo dhaxashaan. 10 Markaad tagtaan waxaad u tegi doontaan dad ammaan ah, oo dalkuna waa ballaadhan yahay; waayo, Ilaah gacantuu idiin geliyey, oo waa meel aan waxba looga baahnayn waxa dhulka laga helo oo dhan.

11 Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan. 12 Markaasay baxeen oo degeen Qiryad Yecaariim oo ku taal Yahuudah; sidaas daraaddeed meeshaas waxay u bixiyeen Maxaneh Daan, oo ilaa maanta waa la yidhaahdaa; oo waxay ka dambaysaa Qiryad Yecaariim. 13 Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah. 14 Kolkaasaa shantii nin oo waddanka Layish soo basaastay waxay ku jawaabeen oo walaalahood ku yidhaahdeen, War ma og tihiin inay guryahan ku jiraan eefod iyo teraafiim, iyo sanam xardhan iyo sanam la shubay? Haddaba sidaas daraaddeed ka fiirsada waxaad samayn lahaydeen. 15 Oo intay halkaas ku soo leexdeen ayay yimaadeen gurigii ninkii dhallinyarada ahaa oo reer Laawi, kaasoo ahaa gurigii Miikaah, wayna nabdaadiyeen. 16 Markaasay lixdii boqol oo nin ee hubka dagaalka xidhnayd ee ahaa reer Daan ag istaageen iridda laga soo galo. 17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka. 18 Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan? 19 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah? 20 Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka. 21 Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii. 22 Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan. 23 Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay? 24 Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya? 25 Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba. 26 Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey. 27 Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen. 28 Oo badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen. 29 Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish. 30 Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday. 31 Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.

The Danites Settle in Laish

18 In those days Israel had no king.(A)

And in those days the tribe of the Danites was seeking a place of their own where they might settle, because they had not yet come into an inheritance among the tribes of Israel.(B) So the Danites(C) sent five of their leading men(D) from Zorah and Eshtaol to spy out(E) the land and explore it. These men represented all the Danites. They told them, “Go, explore the land.”(F)

So they entered the hill country of Ephraim and came to the house of Micah,(G) where they spent the night. When they were near Micah’s house, they recognized the voice of the young Levite;(H) so they turned in there and asked him, “Who brought you here? What are you doing in this place? Why are you here?”

He told them what Micah had done for him, and said, “He has hired me and I am his priest.(I)

Then they said to him, “Please inquire of God(J) to learn whether our journey will be successful.”

The priest answered them, “Go in peace(K). Your journey has the Lord’s approval.”

So the five men(L) left and came to Laish,(M) where they saw that the people were living in safety, like the Sidonians, at peace and secure.(N) And since their land lacked nothing, they were prosperous.[a] Also, they lived a long way from the Sidonians(O) and had no relationship with anyone else.[b]

When they returned to Zorah and Eshtaol, their fellow Danites asked them, “How did you find things?”

They answered, “Come on, let’s attack them! We have seen the land, and it is very good. Aren’t you going to do something? Don’t hesitate to go there and take it over.(P) 10 When you get there, you will find an unsuspecting people and a spacious land that God has put into your hands, a land that lacks nothing(Q) whatever.(R)

11 Then six hundred men(S) of the Danites,(T) armed for battle, set out from Zorah and Eshtaol. 12 On their way they set up camp near Kiriath Jearim(U) in Judah. This is why the place west of Kiriath Jearim is called Mahaneh Dan[c](V) to this day. 13 From there they went on to the hill country of Ephraim and came to Micah’s house.(W)

14 Then the five men who had spied out the land of Laish(X) said to their fellow Danites, “Do you know that one of these houses has an ephod,(Y) some household gods and an image overlaid with silver?(Z) Now you know what to do.” 15 So they turned in there and went to the house of the young Levite at Micah’s place and greeted him. 16 The six hundred Danites,(AA) armed for battle, stood at the entrance of the gate. 17 The five men who had spied out the land went inside and took the idol, the ephod and the household gods(AB) while the priest and the six hundred armed men(AC) stood at the entrance of the gate.

18 When the five men went into Micah’s house and took(AD) the idol, the ephod and the household gods,(AE) the priest said to them, “What are you doing?”

19 They answered him, “Be quiet!(AF) Don’t say a word. Come with us, and be our father and priest.(AG) Isn’t it better that you serve a tribe and clan(AH) in Israel as priest rather than just one man’s household?” 20 The priest was very pleased. He took the ephod, the household gods and the idol and went along with the people. 21 Putting their little children, their livestock and their possessions in front of them, they turned away and left.

22 When they had gone some distance from Micah’s house, the men who lived near Micah were called together and overtook the Danites. 23 As they shouted after them, the Danites turned and said to Micah, “What’s the matter with you that you called out your men to fight?”

24 He replied, “You took(AI) the gods I made, and my priest, and went away. What else do I have? How can you ask, ‘What’s the matter with you?’”

25 The Danites answered, “Don’t argue with us, or some of the men may get angry and attack you, and you and your family will lose your lives.” 26 So the Danites went their way, and Micah, seeing that they were too strong for him,(AJ) turned around and went back home.

27 Then they took what Micah had made, and his priest, and went on to Laish, against a people at peace and secure.(AK) They attacked them with the sword and burned(AL) down their city.(AM) 28 There was no one to rescue them because they lived a long way from Sidon(AN) and had no relationship with anyone else. The city was in a valley near Beth Rehob.(AO)

The Danites rebuilt the city and settled there. 29 They named it Dan(AP) after their ancestor Dan, who was born to Israel—though the city used to be called Laish.(AQ) 30 There the Danites set up for themselves the idol, and Jonathan son of Gershom,(AR) the son of Moses,[d] and his sons were priests for the tribe of Dan until the time of the captivity of the land. 31 They continued to use the idol Micah had made,(AS) all the time the house of God(AT) was in Shiloh.(AU)

Footnotes

  1. Judges 18:7 The meaning of the Hebrew for this clause is uncertain.
  2. Judges 18:7 Hebrew; some Septuagint manuscripts with the Arameans
  3. Judges 18:12 Mahaneh Dan means Dan’s camp.
  4. Judges 18:30 Many Hebrew manuscripts, some Septuagint manuscripts and Vulgate; many other Hebrew manuscripts and some other Septuagint manuscripts Manasseh