Add parallel Print Page Options

135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.