Add parallel Print Page Options

105 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya,
Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya,
Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
Ku faana magiciisa quduuska ah,
Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
Rabbiga iyo xooggiisa doondoona,
Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey,
Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow,
Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah,
Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba,
Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay,
Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub,
Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa
Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
12 Markay dad tiro yar ahaayeen,
Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen,
Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo,
Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan,
Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo,
Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray,
Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago,
Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday
Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay,
Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa,
Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba,
Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar,
Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey,
Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan,
Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse,
Iyo Haaruun oo uu doortay.
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii,
Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay,
Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig,
Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii
Iyo qolalka boqorkoodiiba.
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan
Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale,
Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba,
Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax,
Iyo diir aan la tirin karin,
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil,
Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan,
Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab,
Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen,
Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso,
Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur,
Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen,
Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa,
Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan,
Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha,
Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
45 Inay amarradiisa dhawraan,
Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan.
Rabbiga ammaana.