Ruth 2
New King James Version
Ruth Meets Boaz
2 There was a (A)relative of Naomi’s husband, a man of great wealth, of the family of (B)Elimelech. His name was (C)Boaz. 2 So Ruth the Moabitess said to Naomi, “Please let me go to the (D)field, and glean heads of grain after him in whose sight I may find favor.”
And she said to her, “Go, my daughter.”
3 Then she left, and went and gleaned in the field after the reapers. And she happened to come to the part of the field belonging to Boaz, who was of the family of Elimelech.
4 Now behold, Boaz came from (E)Bethlehem, and said to the reapers, (F)“The Lord be with you!”
And they answered him, “The Lord bless you!”
5 Then Boaz said to his servant who was in charge of the reapers, “Whose young woman is this?”
6 So the servant who was in charge of the reapers answered and said, “It is the young Moabite woman (G)who came back with Naomi from the country of Moab. 7 And she said, ‘Please let me glean and gather after the reapers among the sheaves.’ So she came and has continued from morning until now, though she rested a little in the house.”
8 Then Boaz said to Ruth, “You will listen, my daughter, will you not? Do not go to glean in another field, nor go from here, but stay close by my young women. 9 Let your eyes be on the field which they reap, and go after them. Have I not commanded the young men not to touch you? And when you are thirsty, go to the vessels and drink from what the young men have drawn.”
10 So she (H)fell on her face, bowed down to the ground, and said to him, “Why have I found (I)favor in your eyes, that you should take notice of me, since I am a foreigner?”
11 And Boaz answered and said to her, “It has been fully reported to me, (J)all that you have done for your mother-in-law since the death of your husband, and how you have left your father and your mother and the land of your birth, and have come to a people whom you did not know before. 12 (K)The Lord repay your work, and a full reward be given you by the Lord God of Israel, (L)under whose wings you have come for refuge.”
13 Then she said, (M)“Let me find favor in your sight, my lord; for you have comforted me, and have spoken [a]kindly to your maidservant, (N)though I am not like one of your maidservants.”
14 Now Boaz said to her at mealtime, “Come here, and eat of the bread, and dip your piece of bread in the vinegar.” So she sat beside the reapers, and he passed parched grain to her; and she ate and (O)was satisfied, and kept some back. 15 And when she rose up to [b]glean, Boaz commanded his young men, saying, “Let her glean even among the sheaves, and do not [c]reproach her. 16 Also let grain from the bundles fall purposely for her; leave it that she may glean, and do not rebuke her.”
17 So she gleaned in the field until evening, and beat out what she had gleaned, and it was about an ephah of (P)barley. 18 Then she took it up and went into the city, and her mother-in-law saw what she had gleaned. So she brought out and gave to her (Q)what she had kept back after she had been satisfied.
19 And her mother-in-law said to her, “Where have you gleaned today? And where did you work? Blessed be the one who (R)took notice of you.”
So she told her mother-in-law with whom she had worked, and said, “The man’s name with whom I worked today is Boaz.”
20 Then Naomi said to her daughter-in-law, (S)“Blessed be he of the Lord, who (T)has not forsaken His kindness to the living and the dead!” And Naomi said to her, “This man is a relation of ours, (U)one of [d]our close relatives.”
21 Ruth the Moabitess said, “He also said to me, ‘You shall stay close by my young men until they have finished all my harvest.’ ”
22 And Naomi said to Ruth her daughter-in-law, “It is good, my daughter, that you go out with his young women, and that people do not [e]meet you in any other field.” 23 So she stayed close by the young women of Boaz, to glean until the end of barley harvest and wheat harvest; and she dwelt with her mother-in-law.
Ruud 2
Somali Bible
Ruud Oo La Kulantay Bocas
2 Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas. 2 Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag. 3 Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg. 4 Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo. 5 Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo? 6 Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab. 7 Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane. 8 Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog. 9 Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen. 10 Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad? 11 Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon. 12 Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan. 13 Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn. 14 Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay. 15 Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina. 16 Oo weliba xidhmooyinkana qaar uga soo siiba oo u daaya, ha xaabxaabtee, oo hana dagaalina. 17 Sidaas daraaddeed waxay beertii xaabxaabaysay ilaa fiidkii, oo way tuntay wixii ay soo xaabxaabtay, oo waxay u noqotay in ku dhow eefaah shaciir ah. 18 Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay. 19 Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas. 20 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood. 21 Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan. 22 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto. 23 Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.
Scripture taken from the New King James Version®. Copyright © 1982 by Thomas Nelson. Used by permission. All rights reserved.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya