Add parallel Print Page Options

Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(A)

32 Haddeer geedka berdaha ah masaal ka garta. Intii laantiisu curdan tahay oo caleemo bixinayso, waxaad garanaysaan inuu roobku dhow yahay. 33 Idinkuna sidaas oo kale goortaad waxan oo dhan aragtaan, garta inuu dhow yahay oo albaabbada ag joogo. 34 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

36 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbahay keliya maahee.

Read full chapter

42 Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

Read full chapter

Soo Jeedid Baa Loo Baahan Yahay(A)

29 Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan; 30 goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay. 31 Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay. 32 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin. 33 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

Read full chapter