Add parallel Print Page Options

Baaqii Xigmadda

Haddaba xigmaddu sow ma dhawaaqin?
Waxgarashaduna codkeedii sow kor uma qaadin?
Waxay taagan tahay meelaha sarreeya
Oo jidka agtiisa ah, meesha waddooyinku ku kulmaan.
Oo waxay ka qaylisaa irdaha agtooda,
Meesha magaalada laga soo galo,
Iyo meesha albaabbada laga soo galoba.
Nimanyahow, idinkaan idiin dhawaaqayaa,
Oo codkayguna wuxuu u yeedhayaa binu-aadmiga.
Garaadlaawayaashow, miyir lahaada,
Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.
I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan,
Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.
Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa;
Oo bushimahayguna shar bay karhaan.
Erayada afkayga oo dhammi waa xaq,
Oo innaba wax qalloocan ama maroorsan lagama helo.
Iyagu dhammaantood waa u cad yihiin kii wax garanaya,
Oo waana u qumman yihiin kuwa aqoonta hela.
10 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina,
Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
11 Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka,
Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.
12 Anigoo xigmad ahu, waxaan la fadhiyaa miyir,
Oo waxaan helaa aqoon iyo digtoonaan.
13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco.
Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka,
Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
14 Talo iyo xigmad anigaa iska leh,
Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.
15 Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan,
Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.
16 Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna
Anigay wax iigu taliyaan.
17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay,
Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
18 Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf.
Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.
19 Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin,
Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.
20 Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada,
Iyo waddooyinka garta dhexdooda,
21 Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan,
Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.
22 Rabbigu wuxuu i lahaan jiray bilowgii jidkiisa
Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
23 Aniga aakhirada hore waa lay taagay, waxaan jiray bilowgii ugu horreeyey,
Ama intaan dunidu jirin ka hor.
24 Anigu waxaan dhashay intaan moolal jirin ka hor,
Iyo intaanay jirin ilo biyo ka buuxaan.
25 Intaan la qotomin buuraha
Iyo kuraha ka hor ayaan anigu dhashay,
26 Intaanuu isagu samayn dhulka iyo berrimmada,
Amase ciiddii dunida ugu horraysay.
27 Markuu samooyinka hagaajiyey anigu waan joogay,
Markuu xariijinta ku wareejiyey moolka dushiisa,
28 Markuu cirka sare taagay,
Markii ilaha moolku xoog yeesheen,
29 Markuu badda xad u yeelay
Si aan biyuhu amarkiisa ugu xadgudbin,
Markuu aasaaskii dhulka dhigay,
30 Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye,
Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa,
Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;
31 Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay,
Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.
32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla;
Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
33 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha,
Oo ha diidina.
34 Waxaa barakaysan ninka i maqla,
Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra,
Oo albaabbadayda igu suga.
35 Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol,
Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
36 Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa,
Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.