Add parallel Print Page Options

Erayadii Aguur

30 Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa.
Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,
Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba,
Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.
Xigmad ma aan baran,
Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.
Yaa samada u baxay, oo ka soo degay?
Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay?
Yaa biyaha dharkiisa ku guntay?
Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay?
Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?
Eray kasta oo Ilaah waa daahir;
Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
Erayadiisa waxba ha ku darin,
Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay,
Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee,
Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin.
Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu?
Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado,
Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
10 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin,
Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
11 Waxaa jira farcan aabbahood inkaara,
Oo aan hooyadoodna u ducayn.
12 Waxaa jira farcan isla daahirsan,
Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
13 Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan!
Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
14 Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin,
Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
15 Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii.
Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin,
Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
16 Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn,
Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn,
Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.
17 Isha aabbaheed ku majaajiloota,
Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo,
Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada,
Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo,
Haah, afar baan garan waayay,
19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo,
Siduu masna dhagax ugu socdo,
Siday doonnina badda u maaxdo,
Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
20 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda,
Taasoo intay wax cunto afka tirtirta,
Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa,
Oo afar baanu qaadan karin,
22 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo,
Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
23 Iyo naag la nacay markay guursato,
Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar,
Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
25 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn,
Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
26 Walooyinku waa qoon taagdaran,
Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27 Ayaxu boqor ma leh,
Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo,
Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda,
Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan,
Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga;
Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya,
Ama aad wax shar ah ka fikirtay,
Gacanta afka saar.
33 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan,
Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa,
Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.