Add parallel Print Page Options

Cabbidda Dhiigga Oo La Mamnuucay

17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu yidhi, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi, isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga gooyaa, oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah. Oo wadaadkuna waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon. Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab ka ab u ahaan doonaa iyaga.

Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari, isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

10 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa. 11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig cunin.

13 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa. 14 Waayo, jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig cunaba waa la gooyn doonaa. 15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa. 16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.

Eating Blood Forbidden

17 The Lord said to Moses, “Speak to Aaron and his sons(A) and to all the Israelites and say to them: ‘This is what the Lord has commanded: Any Israelite who sacrifices an ox,[a] a lamb(B) or a goat(C) in the camp or outside of it instead of bringing it to the entrance to the tent of meeting(D) to present it as an offering to the Lord in front of the tabernacle of the Lord(E)—that person shall be considered guilty of bloodshed; they have shed blood and must be cut off from their people.(F) This is so the Israelites will bring to the Lord the sacrifices they are now making in the open fields. They must bring them to the priest, that is, to the Lord, at the entrance to the tent of meeting and sacrifice them as fellowship offerings.(G) The priest is to splash the blood against the altar(H) of the Lord(I) at the entrance to the tent of meeting and burn the fat as an aroma pleasing to the Lord.(J) They must no longer offer any of their sacrifices to the goat idols[b](K) to whom they prostitute themselves.(L) This is to be a lasting ordinance(M) for them and for the generations to come.’(N)

“Say to them: ‘Any Israelite or any foreigner residing among them who offers a burnt offering or sacrifice and does not bring it to the entrance to the tent(O) of meeting(P) to sacrifice it to the Lord(Q) must be cut off from the people of Israel.

10 “‘I will set my face against any Israelite or any foreigner residing among them who eats blood,(R) and I will cut them off from the people. 11 For the life of a creature is in the blood,(S) and I have given it to you to make atonement for yourselves on the altar; it is the blood that makes atonement for one’s life.[c](T) 12 Therefore I say to the Israelites, “None of you may eat blood, nor may any foreigner residing among you eat blood.”

13 “‘Any Israelite or any foreigner residing among you who hunts any animal or bird that may be eaten must drain out the blood and cover it with earth,(U) 14 because the life of every creature is its blood. That is why I have said to the Israelites, “You must not eat the blood of any creature, because the life of every creature is its blood; anyone who eats it must be cut off.”(V)

15 “‘Anyone, whether native-born or foreigner, who eats anything(W) found dead or torn by wild animals(X) must wash their clothes and bathe with water,(Y) and they will be ceremonially unclean till evening;(Z) then they will be clean. 16 But if they do not wash their clothes and bathe themselves, they will be held responsible.(AA)’”

Footnotes

  1. Leviticus 17:3 The Hebrew word can refer to either male or female.
  2. Leviticus 17:7 Or the demons
  3. Leviticus 17:11 Or atonement by the life in the blood