Add parallel Print Page Options

KITAABKII
AYUUB

Hordhaca Kitaabka

Dalka Cuus la yidhaahdo waxaa joogi jiray nin magiciisa Ayuub la odhan jiray, oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin qumman oo toosan, wuxuuna ahaa mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo waxaa isaga u dhashay toddoba wiil iyo saddex gabdhood. Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan. Oo wiilashiisii way tegi jireen, oo midkood kastaaba maalintiisa ayuu gurigiisa diyaafad ku samayn jiray, oo waxay u cid direen oo u yeedheen saddexdii gabdhood oo walaalahood ahaa inay wax la cunaan oo wax la cabbaan aawadeed. Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

Jirrabaaddii Ugu Horraysay Ee Ayuub

Haddaba waxaa jirtay maalin ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa? 10 Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen. 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa. 12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.

13 Oo maalin ay wiilashiisii iyo gabdhihiisii wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkoodii ugu weynaa ayaa 14 waxaa Ayuub u yimid mid wargeeye ah oo wuxuu ku yidhi, Iyadoo dibidii ay beerta jeexayaan oo dameerihiina ay agtooda daaqayaan 15 ayaa waxaa na soo weeraray reer Shebaa, oo waxay dheceen xoolihii, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 16 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Ilaah dabkiisii ayaa samada ka soo dhacay, oo wuxuu wada gubay oo baabbi'iyey idihii iyo midiidinnadii la jirayba, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 17 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Reer Kaldayiin oo saddex koox ah ayaa geelii soo weeraray, oo dhammaantiisna way dheceen, oo weliba midiidinnadiina seef bay ku laayeen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 18 Oo weli intii kaasu sii hadlayay ayuu mid kale yimid, oo wuxuu yidhi, Wiilashaadii iyo gabdhahaagii waxay wax ku cunayeen oo khamri ku cabbayeen gurigii walaalkooda ugu weyn, 19 oo bal eeg, waxaa cidlada ka timid dabayl weyn, oo gurigii afartiisa rukun bay ku dhufatay, kolkaasuu ku dumay raggii dhallinyarada ahaa, oo dhammaantood way dhinteen, oo anigoo keliya ayaa ka soo baxsaday inaan warka kuu soo sheego. 20 Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday, 21 oo wuxuu yidhi, Anigoo qaawan baan uurkii hooyaday ka soo baxay, oo haddana anigoo qaawan baan halkaas ku noqon doonaa. Rabbigaa wax i siiyey, oo haddana Rabbigaa iga qaatay, ammaan waxaa leh magaca Rabbiga. 22 Oo waxyaalahaas oo dhan Ayuub innaba kuma uu dembaabin, oo Ilaahna eed kama uu sheegin.

Jirrabaaddii Labaad Ee Ayuub

Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. Oo weliba isagu daacadnimadiisii wuu sii haystaa, in kastoo aad igu dirtay, si aan isaga sababla'aan ugu halligo. Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey, oo wuxuu Ayuub tin iyo cedhib ku dhuftay boogo xunxun. Markaasaa Ayuub wuxuu qaatay dheri burburkiis inuu isku xoqo, oo wuxuu dhex fadhiistay dambas. Markaasaa naagtiisii waxay ku tidhi, War ma weli baad daacadnimadaadii sii haysanaysaa? War hoy, Ilaah wax xun ka sheeg, oo iska dhimo. 10 Laakiinse wuxuu iyadii ku yidhi, Waxaad u hadlaysaa sida naagaha nacasyada ah middood. Naa waa sidee? Ilaah gacantiisa intaynu samaan ka qaadanno, miyaynan xumaanna ka qaadanayn? Oo in kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen Ayuub innaba afkiisa kuma dembaabin.

Saddexdii Saaxiib Ee Ayuub

11 Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan. 12 Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen. 13 Oo toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.