Add parallel Print Page Options

Ilaahyadii Baabuloon

46 Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa. Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.

Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla. Tan iyo cimri dheer isagii baan ahay, oo tan iyo timo cirroobay waan idin xambaarayaa. Anigaa sameeyey, waanan sidi doonaa, waan xambaari doonaa, waanan samatabbixin doonaa. Bal yaad ii ekaysiinaysaan oo ila simaysaan, oo yaad igu masaalaysaan inaannu isku mid ahaanno? Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan. Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.

Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada. Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro. 10 Bilowga waxaan sheegaa ugudambaysta, oo wakhtiga hore waxaan sii sheegaa waxyaalo aan weli la samayn, anigoo leh, Taladaydu way hagaagi doontaa, oo waxaan jeclahay oo dhanna waan wada samayn doonaa. 11 Waxaan xagga bari uga yeedhayaa haad aad u gaajaysan oo ah ninka taladayda oofinaya oo aan waddan fog uga yeedhayo. Waan ku hadlay, oo weliba waan oofin doonaa. Waan u qasdiyey, oo weliba waan samayn doonaa. 12 Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla! 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.