Add parallel Print Page Options

Xukun Ka Gees Ah Quruumaha

34 Quruumahow, u soo dhowaada si aad wax u maqashaan, oo dadyowgow, i dhegaysta, dhulka iyo waxa ka buuxa iyo dunida iyo waxyaalaha ka soo baxa oo dhammu ha maqleen. Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo. Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona. Oo ciidanka samada oo dhammuna wuu wada idlaan doonaa, oo samooyinka oo dhanna waa la wada duudduubi doonaa sida qorniin duudduuban oo kale, oo ciidankooda oo dhammuna hoos buu u soo daadan doonaa sida caleenu geed canab ah uga dhacdo iyo sida xabbad berde ahu geed berde ah uga soo dhacdo. Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto. Waayo, seeftii Rabbiga dhiig baa ka buuxsamay, oo waxay ka dheregtay baruur, iyo dhiig baraar iyo orgi, iyo baruurta kelyaha ee wananka, waayo, Rabbigu wuxuu qurbaan ku samaynayaa Bosraah, oo dalka Edomna layn weyn. Oo lo'gisiguna iyaguu la dhici doonaa, oo dibida yaryaruna dibida waaweyn bay la dhici doonaan, oo dalkooduna dhiig buu ka wabxi doonaa oo ciiddooduna baruur bay ka dhergi doontaa. Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay. Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya. 10 Oo habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto. 11 Laakiinse waxaa iska hantiyi doona cantalyaaga iyo caanaqubta, oo waxaa dhexdiisa degganaan doona guumays iyo tuke, oo isna wuxuu korkiisa ku fidin doonaa xadhigga qiyaaseed ee qasnaanta, iyo xadhigga miisaanka leh ee baabbi'inta. 12 Raggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan. 13 Oo daarihiisa waaweynna waxaa ka soo bixi doona qodxan, oo qalcadihiisana waxaa ka soo bixi doona maraboob iyo yamaarug, oo waxay noqon doonaan dawacooyin rugtood, iyo barxad gorayo daaqdo. 14 Oo xayawaanka lamadegaankuna waxay halkaas kula kulmi doonaan yeyda, bahalka dhogorta dheer lehna wuxuu u qaylin doonaa wadaygiis, oo guumaysuhuna halkaasay degi doonaan, oo waxay nafsaddooda u heli doonaan meel ay ku nastaan. 15 Oo abeesaduna halkaasay buul ka samaysan doontaa, oo ukunteeda ku dhali doontaa, oo ku dillaacin doontaa, oo waxay ku soo ururin doontaa hooskeeda, oo gorgoraduna halkaasay ku soo ururi doonaan, oo mid kastaaba waxay la jiri doontaa ka qaba. 16 Bal doondoona kitaabka Rabbiga oo akhriya. Waxyaalahaas miduna kama baaqan doonto, oo midunaba ka qaba ma waayi doonto, waayo, Rabbiga afkiisaa amray oo waxaa iyaga soo ururiyey Ruuxiisa. 17 Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.