Ishacyaah 1
Somali Bible
KITAABKII
ISHACYAAH
Quruun Caasi Ah
1 Kanu waa wixii Ishacyaah ina Aamoos la tusay ee uu ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem waagii ay Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah boqorrada ka ahaayeen dalka Yahuudah.
2 Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen. 3 Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan. 4 Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen. 5 Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay. 6 Madaxa iyo minjaha inta ka dhex leh innaba caafimaad ma leh, laakiinse waxaa ku yaal nabro, iyo burbur, iyo boogo cusub, lama awdin, lamana duubin, oo saliidna laguma dhayin. 7 Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen. 8 Oo magaalada Siyoonna waxaa looga tegey sidii waab beercanab ku dhex yaal, iyo sidii buul beer khijaar ah ku dhex yaal, iyo sidii magaalo cadow hareereeyey. 9 Haddaan Rabbiga ciidammadu dad aad u yar inoo reebin, sida Sodom baan noqon lahayn, oo sida Gomorana baan noqon lahayn.
10 Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga. 11 Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona. 12 Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan? 13 Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi. 14 Bilihiinna cusub iyo ciidihiinnaba naftaydu way neceb tahay, waa ii culays, inaan u adkaysto waan ka daalay. 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan. 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan. 19 Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa, 20 haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
21 Magaaladii aaminka ahayd oo caddaaladdu ka buuxday, sidee bay dhillo u noqotay! Waxaa ku jiri jirtay xaqnimo, haatanse waxaa jooga gacankudhiiglayaal! 22 Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo. 23 Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
24 Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa. 25 Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa. 26 Oo waxaan kuu soo celin doonaa xaakinnadaadii sidii markii hore oo kale, oo lataliyayaashaadana waxaan ka dhigi doonaa sidii bilowgii oo kale, oo dabadeedna waxaa laguugu yeedhi doonaa Magaalada xaqnimada, iyo magaalada aaminka ah. 27 Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo. 28 Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa. 29 Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan. 30 Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn. 31 Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.
Isaiah 1
New Revised Standard Version, Anglicised Catholic Edition
1 The vision of Isaiah son of Amoz, which he saw concerning Judah and Jerusalem in the days of Uzziah, Jotham, Ahaz, and Hezekiah, kings of Judah.
The Wickedness of Judah
2 Hear, O heavens, and listen, O earth;
for the Lord has spoken:
I reared children and brought them up,
but they have rebelled against me.
3 The ox knows its owner,
and the donkey its master’s crib;
but Israel does not know,
my people do not understand.
4 Ah, sinful nation,
people laden with iniquity,
offspring who do evil,
children who deal corruptly,
who have forsaken the Lord,
who have despised the Holy One of Israel,
who are utterly estranged!
5 Why do you seek further beatings?
Why do you continue to rebel?
The whole head is sick,
and the whole heart faint.
6 From the sole of the foot even to the head,
there is no soundness in it,
but bruises and sores
and bleeding wounds;
they have not been drained, or bound up,
or softened with oil.
7 Your country lies desolate,
your cities are burned with fire;
in your very presence
aliens devour your land;
it is desolate, as overthrown by foreigners.
8 And daughter Zion is left
like a booth in a vineyard,
like a shelter in a cucumber field,
like a besieged city.
9 If the Lord of hosts
had not left us a few survivors,
we would have been like Sodom,
and become like Gomorrah.
10 Hear the word of the Lord,
you rulers of Sodom!
Listen to the teaching of our God,
you people of Gomorrah!
11 What to me is the multitude of your sacrifices?
says the Lord;
I have had enough of burnt-offerings of rams
and the fat of fed beasts;
I do not delight in the blood of bulls,
or of lambs, or of goats.
12 When you come to appear before me,[a]
who asked this from your hand?
Trample my courts no more;
13 bringing offerings is futile;
incense is an abomination to me.
New moon and sabbath and calling of convocation—
I cannot endure solemn assemblies with iniquity.
14 Your new moons and your appointed festivals
my soul hates;
they have become a burden to me,
I am weary of bearing them.
15 When you stretch out your hands,
I will hide my eyes from you;
even though you make many prayers,
I will not listen;
your hands are full of blood.
16 Wash yourselves; make yourselves clean;
remove the evil of your doings
from before my eyes;
cease to do evil,
17 learn to do good;
seek justice,
rescue the oppressed,
defend the orphan,
plead for the widow.
18 Come now, let us argue it out,
says the Lord:
though your sins are like scarlet,
they shall be like snow;
though they are red like crimson,
they shall become like wool.
19 If you are willing and obedient,
you shall eat the good of the land;
20 but if you refuse and rebel,
you shall be devoured by the sword;
for the mouth of the Lord has spoken.
The Degenerate City
21 How the faithful city
has become a whore!
She that was full of justice,
righteousness lodged in her—
but now murderers!
22 Your silver has become dross,
your wine is mixed with water.
23 Your princes are rebels
and companions of thieves.
Everyone loves a bribe
and runs after gifts.
They do not defend the orphan,
and the widow’s cause does not come before them.
24 Therefore says the Sovereign, the Lord of hosts, the Mighty One of Israel:
Ah, I will pour out my wrath on my enemies,
and avenge myself on my foes!
25 I will turn my hand against you;
I will smelt away your dross as with lye
and remove all your alloy.
26 And I will restore your judges as at the first,
and your counsellors as at the beginning.
Afterwards you shall be called the city of righteousness,
the faithful city.
27 Zion shall be redeemed by justice,
and those in her who repent, by righteousness.
28 But rebels and sinners shall be destroyed together,
and those who forsake the Lord shall be consumed.
29 For you shall be ashamed of the oaks
in which you delighted;
and you shall blush for the gardens
that you have chosen.
30 For you shall be like an oak
whose leaf withers,
and like a garden without water.
31 The strong shall become like tinder,
and their work[b] like a spark;
they and their work shall burn together,
with no one to quench them.
Footnotes
- Isaiah 1:12 Or see my face
- Isaiah 1:31 Or its makers
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya
New Revised Standard Version Bible: Anglicised Catholic Edition, copyright © 1989, 1993, 1995 the Division of Christian Education of the National Council of the Churches of Christ in the United States of America. Used by permission. All rights reserved.