Add parallel Print Page Options

HOOSHEECA

Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Hoosheeca ina Be'eeri wakhtigii dalka Yahuudah ay boqorrada ku ahaayeen Cusiyaah, iyo Yootam, iyo Aaxaas, iyo Xisqiyaah, iyo wakhtigii dalka Israa'iil uu boqorka ku ahaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash.

Naagtii Iyo Carruurtii Hoosheeca

Rabbigu markuu Hoosheeca markii ugu horraysay la hadlay, wuxuu Rabbigu Hoosheeca ku yidhi, Tag, oo waxaad guursataa naag dhillo ah oo waxaad yeelataa carruur dhillo dhashay, waayo, dadka dalku Rabbigay ka fogaadaan sida naagu ninkeeda uga sinaysata. Sidaas daraaddeed wuu tegey oo wuxuu guursaday Gomer oo ahayd ina Diblaayim, oo iyana way uuraysatay, oo wiil bay isagii u dhashay. Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Magiciisa waxaad u bixisaa Yesreceel, waayo, in yar dabadeed waxaan dhiiggii Yesreceel ka aar gudi doonaa reerka Yeehuu, oo boqortooyada dadka Israa'iilna waan joojin doonaa. Oo maalintaas ayaan qaansada dadka Israa'iil ku jebin doona dooxada Yesreceel. Oo haddana mar kalay uuraysatay oo gabadh bay dhashay. Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waxaad magaceeda u bixisaa [a]Lo-Ruxaamaah, waayo, anigu mar dambe dadka Israa'iil u naxariisan maayo, oo sinaba u saamixi maayo. Laakiinse waxaan u naxariisan doonaa dadka Yahuudah, oo waxaan iyaga ku badbaadin doonaa Rabbiga Ilaahooda ah, oo kuma badbaadin doono qaanso, ama seef, ama dagaal, ama fardo iyo fardooley toona.

Oo haddana markii ay Lo-Ruxaamaah naaskii ka gudhisay ayay uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Markaasaa Rabbigu isagii ku yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa [b]Lo-Cammii, waayo, idinku dadkayga ma ahidin, oo aniguna Ilaahiin idiin ahaan maayo.

10 Laakiinse tirada dadka Israa'iil waxay ahaan doontaa sida cammuudda badda oo kale, taasoo aan la qiyaasi karin, lana tirin karin, oo waxay noqon doontaa meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ahidin, waxaa laga odhan doonaa, Idinku waxaad tihiin wiilashii Ilaaha nool. 11 Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.