Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
A new Bible Gateway experience is here. Spot something unexpected? Tell us what needs a closer look.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
Study resources + Scripture = deeper understanding.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Bilowgii 16  Somali Bible

Haagaar Iyo Ismaaciil

16 Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar. 2 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay. 3 Saaray oo ahayd naagtii Aabraam waxay kaxaysay Haagaar tii Masriyadda ahayd, oo midiidinteeda ahayd, markii Aabraam toban sannadood joogay dalkii Kancaan ka dib, oo waxay iyadii siisay ninkeedii Aabraam inay naagtiisii u noqoto. 4 Oo Haagaar buu u tegey, wayna uuraysatay; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay murwadeedii aad u quudhsatay. 5 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Dulmigii laygu sameeyey dushaada ha ahaado: midiidintaydii waxaan geliyey laabtaada; oo markay aragtay inay uuraysatay ayay i quudhsatay; Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo. 6 Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda. 7 Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur. 8 Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa. 9 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig. 10 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed. 11 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii. 12 Oo dadka dhexdiisa wuxuu ku noqon doonaa sida dameer banjoog ah; gacantiisu nin walba gees bay ka noqon doontaa, oo nin walba gacantiisuna gees bay ka noqon doontaa isaga; wuxuuna degganaan doonaa walaalihiis oo dhan hortooda. 13 Oo waxay magicii Rabbigii la hadlay iyada u bixisay, Waxaad tahay Ilaaha wax arka, waayo, waxay tidhi, Weliba miyaan halkan ka arkay kan i arka? 14 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyey[a]Bi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered. 15 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil. 16 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

Footnotes

  1. Bilowgii 16:14
Next
Bilowgii 15
Bilowgii 17
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway