A A A A A
Bible Book List

Ayuub 6Somali Bible (SOM)

Ayuub

Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi,
Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa,
Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha,
Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.
Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira,
Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa,
Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa.
Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto?
Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo?
Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola'aan la cuni karaa?
Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay?
Naftaydu way diidaa inay taabato,
Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale.
Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo,
Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo,
Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
10 Markaas waan istareexi lahaaye,
Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn,
Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.
11 Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed?
Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed?
12 War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa?
Mise jidhkaygu ma naxaas baa?
13 War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn?
Sowse xigmaddu igama fogaan?
14 Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto
Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe.
15 Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale,
Sida biyaha durdurrada ee iska baabba'a,
16 Kuwaasoo barafka la madoobaaday,
Oo uu barafka cad isku qariyo.
17 Markay qorraxoodaan way libdhaan,
Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.
18 Kuwa safraa gees bay uga leexdaan,
Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.
19 Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray,
Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay.
20 Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen,
Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen.
21 Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen,
Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.
22 Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii?
Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen?
23 Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi?
Amase, Iga furo gacanta kan i dulma?
24 Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa;
Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.
25 Erayo runu xoog badanaa!
Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
26 Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan?
Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale.
27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta,
Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya,
Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.
29 Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin,
Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.
30 War ma caddaaladla'aan baa carrabkayga saaran?
Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

  Back

1 of 1

You'll get this book and many others when you join Bible Gateway Plus. Learn more

Viewing of
Cross references
Footnotes