Add parallel Print Page Options

24 Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?
Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,
Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,
Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,
Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga
Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;
Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,
Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,
Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,
Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,
Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,
Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11 Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,
Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,
Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,
Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,
Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,
Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,
Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,
Oo wuu hagoogtaa.
16 Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,
Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,
Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17 Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,
Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18 Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,
Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,
Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19 Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,
Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20 Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,
Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,
Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;
Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;
Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,
Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;
Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,
Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,
Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?