Add parallel Print Page Options

Soofar

20 Markaasaa Soofar oo ahaa reer Nacamaatii u jawaabay, oo wuxuu yidhi,
Haddaba waxaa ii jawaaba fikirradayda,
Oo sababtu waxay tahay degdegga igu jira.
Waxaan maqlay canaanta i ceebaysa,
Oo waxaa ii jawaabta waxgarashadayda.
Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo
Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
Ay guulaysashada sharrowyadu gaaban tahay,
Oo farxadda cibaadalaawayaashuna ay daqiiqad qudha tahay?
In kastoo sarrayntiisu ay samada korto,
Oo madaxiisuna uu daruuraha gaadho,
Wuxuu weligiis u baabbi'i doonaa sida saxaradiisa oo kale.
Oo kuwii isaga arki jiray waxay odhan doonaan,
War meeh isagii?
Sida riyo ayuu u libdhi doonaa, oo lama heli doono,
Hubaal waxaa loo eryi doonaa sida riyada habeenka.
Ishii isaga aragtay mar dambe ma ay arki doonto,
Oo meeshiisiina mar dambe uma ay jeedi doonto.
10 Carruurtiisu waxay wax ka baryi doonaan masaakiinta,
Oo gacmahooduna dib bay u celin doonaan maalkiisa.
11 Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada,
Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.
12 In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay,
In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
13 In kastoo uu kaydsado, oo uusan iska sii dayn,
Laakiinse uu afkiisa ku sii haysto,
14 Kolleyba cuntadiisu mindhicirkiisay ku beddelantaa,
Oo waxay uurkiisa ku noqataa waabayo jilbis.
15 Isagu maal buu liqay, laakiinse mar kaluu soo mantagi doonaa,
Oo Ilaah baa calooshiisa ka soo saari doona.
16 Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada,
Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.
17 Oo ma uu fiirin doono webiyada,
Iyo durdurrada la barwaaqaysan malabka iyo subagga.
18 Wixii uu ku hawshooday wuu soo celin doonaa, oo ma uu liqi doono,
Oo maalka uu faa'iidada u helayna siduu yahay uguma uu farxi doono.
19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta,
Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
20 Uurkiisu xasilloonaan ma lahayn,
Taas daraaddeed waxa uu jecel yahay oo dhan waxba kama uu badbaadin doono.
21 Wuxuu liqay wax ka hadhay lama arkin,
Sidaas daraaddeed barwaaqadiisu siima raagi doonto.
22 Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa,
Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.
23 Markuu ku dhow yahay inuu calooshiisa buuxsado,
Ayaa Ilaah wuxuu ku soo tuuri doonaa kulaylka cadhadiis,
Oo wuu ku soo shubi doonaa intuu wax cunayo.
24 Wuu ka carari doonaa hubka birta ah,
Oo qaansada naxaasta ahu fallaadh bay ka dhex dusin doontaa.
25 Wuu soo jiidaa, kolkaasay jidhkiisa ka soo baxdaa,
Hubaal caaradda dhalaalaysa ayaa beerkiisa ka soo baxda,
Oo cabsi baa isaga ku dhacda.
26 Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa;
Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona,
Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.
27 Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa,
Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.
28 Hodanka reerkiisu wuu ka dhammaan doonaa,
Oo maalinta cadhada Ilaah ayaa maalkiisu libdhi doonaa.
29 Intaasu waxaa weeye qaybta ninkii shar ahu uu xagga Ilaah ka helayo,
Iyo wixii Ilaah dhaxal ahaan ugu amray.