Add parallel Print Page Options

Bildad

18 Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan?
War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.
War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa?
Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?
War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye
Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa?
Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?
Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa,
Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.
Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur,
Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.
Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan,
Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag,
Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin,
Oo qool baana qabsan doona.
10 Waxaa dhulka ugu qarsan siriq,
Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
11 Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi,
Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
12 Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo,
Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay.
13 Oo waxay baabbi'in doontaa xubnaha jidhkiisa,
Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi'in doona.
14 Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo,
Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida.
15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn,
Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
16 Xididdadiisa hoose way qallali doonaan,
Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
17 Dhulka laguma xusuusan doono,
Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono.
18 Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa,
Oo dunidana waa laga eryi doonaa.
19 Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona,
Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray.
20 Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa,
Sidii ay kuwii horeba uga baqeen.
21 Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale,
Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.