Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Welcome to the new Bible Gateway. Take a quick tour and see what’s new.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
Finding your way around? Take the tour.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Ayuub 17  Somali Bible

17 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday,
Oo qabrigu waa ii diyaar.
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo,
Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo;
Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay,
Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan,
Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan,
Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin,
Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan,
Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa,
Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya,
Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
11 Cimrigaygii waa dhammaaday,
Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin,
Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale,
Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado,
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
15 Bal markaas meeday rajadaydu?
Oo bal yaase rajadayda arki doona?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool,
Markaannu ciidda wada galno.

Next
Ayuub 16
Ayuub 18
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway