Taariikhdii Kowaad 1-5
Somali Bible
KITAABKII KOWAAD EE
TAARIIKHDII
Taariikhdii Aadan Ilaa Ibraahim
Ilaa Wiilashii Nuux
1 Aadan, Seed, Enoos, 2 Qiinaan, Mahalaleel, Yaared, 3 Enoog, Metushelax, Lameg, 4 Nuux, Sheem, Xaam, iyo.
Farcankii Yaafed
5 Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. 6 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah. 7 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim.
Farcankii Xaam
8 Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan. 9 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 10 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh. 11 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim, 12 iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim. 13 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed, 14 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash, 15 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini, 16 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad.
Farcankii Sheem
17 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg. 18 Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber. 19 Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. 20 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah, 21 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah, 22 iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa, 23 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.
24 Sheem, Arfaksad, Sheelaah, 25 Ceeber, Feleg, Recu, 26 Seruug, Naaxoor, Terax, 27 Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).
Reerkii Ibraahim
28 Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.
Farcankii Haagaar
29 Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam, 30 iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa, 31 iyo Hadad, iyo Teemaa, iyo Yetuur, iyo Naafiish, iyo Qedemah. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil.
Farcankii Qetuurah
32 Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 33 Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.
Farcankii Saarah
34 Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.
Wiilashii Ceesaw
35 Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.
36 Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq. 37 Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.
Farcankii Seciir Ee Edom Joogay
38 Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. 39 Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis. 40 Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah. 41 Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan. 42 Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.
Taliyayaashii Reer Edom
43 Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah. 44 Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa. 45 Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan. 46 Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid. 47 Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah. 48 Markaasaa Samlah dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Shaa'uul oo ka yimid Rexobod oo Webiga ku ag tiil. 49 Markaasaa Shaa'uul dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Bacal Xaanaan ina Caqboor. 50 Markaasaa Bacal Xaanaan dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad, oo isna magaaladiisu waxay ahayd Faacuu, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Meheetabeel oo ay dhashay Matreed, iyana waxay ahayd ina Meesaahaab. 51 Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, 52 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon, 53 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar, 54 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.
Wiilashii Israa'iil
2 Kuwanu waa Israa'iil wiilashiisii, oo waxay ahaayeen Ruubeen, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun, 2 iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.
Farcankii Yahuudah
Ilaa Reer Xesroon
3 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, oo saddexdaas waxaa isaga u dhashay Batshuuca oo reer Kancaan ahayd. Oo Ceer oo ahaa curadkii Yahuudah wuxuu ahaa mid Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo isna Rabbigu wuu dilay. 4 Oo Taamaar oo uu soddog u ahaa ayaa isaga u dhashay Feres iyo Serax. Wiilashii Yahuudah oo dhammuna waxay ahaayeen shan. 5 Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul. 6 Wiilashii Seraxna waxay ahaayeen Simrii, iyo Eetaan, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Daarac, oo dhammaantoodna waxay ahaayeen shan. 7 Ina Karmiina wuxuu ahaa Caakaar oo ahaa kii reer binu Israa'iil dhibay, oo ku xadgudbay alaabtii la xaaraameeyey. 8 Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah. 9 Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.
Farcankii Raam
10 Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray. 11 Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas, 12 Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, 13 Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad, 14 iyo Netaneel oo ahaa kii afraad, iyo Radday oo ahaa kii shanaad, 15 iyo Osem oo ahaa kii lixaad, iyo Daa'uud oo ahaa kii toddobaad, 16 oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen saddex, Abishay iyo Yoo'aab iyo Casaaheel. 17 Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.
Kaaleeb Ina Xesroon
18 Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicood, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon. 19 Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraad, oo iyana isagay u dhashay Xuur. 20 Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel. 21 Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub. 22 Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo. 23 Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis. 24 Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.
Yeraxme'eel Ina Xesroon
25 Oo Yeraxme'eel oo ahaa curadkii Xesroon wiilashiisiina waxay ahaayeen Raam oo curadkiisii ahaa, iyo Buunaah, iyo Oren, iyo Osem, iyo Axiiyaah. 26 Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis. 27 Oo Raam oo ahaa curadkii Yeraxme'eel wiilashiisii waxay ahaayeen Macas, iyo Yaamiin, iyo Ceeqer. 28 Wiilashii Oonaamna waxay ahaayeen Shammay, iyo Yaadaac, wiilashii Shammayna waxay ahaayeen Naadaab iyo Abiishuur. 29 Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid. 30 Wiilashii Naadaabna waxay ahaayeen Seled, iyo Afayim, laakiinse Seled wiilalla'aan buu ku dhintay. 31 Ina Afayimna wuxuu ahaa Yishcii. Ina Yishciina wuxuu ahaa Sheeshaan. Ina Sheeshaanna wuxuu ahaa Axlay. 32 Shammay walaalkiisii oo Yaadaac ahaa wiilashiisiina waxay ahaayeen Yeter, iyo Yoonaataan, Yeterna wiilalla'aan buu ku dhintay. 33 Wiilashii Yoonaataanna waxay ahaayeen Feled, iyo Saasaa. Kuwaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Yeraxme'eel. 34 Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac. 35 Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay. 36 Catayna wuxuu dhalay Naataan, Naataanna wuxuu dhalay Saabaad, 37 Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed, 38 Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah, 39 Casaryaahna wuxuu dhalay Xeles, Xelesna wuxuu dhalay Elecaasaah, 40 Elecaasaahna wuxuu dhalay Sismay, Sismayna wuxuu dhalay Shalluum, 41 Shalluumna wuxuu dhalay Yeqamyaah, Yeqamyaahna wuxuu dhalay Eliishaamaac.
Qabiilooyinkii Kaaleeb
42 Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis. 43 Wiilashii Xebroonna waxay ahaayeen Qorax, iyo Tafuu'ax, iyo Reqem, iyo Shemac. 44 Shemacna wuxuu dhalay Raxam, oo ahaa Yorqecaam aabbihiis, Reqemna wuxuu dhalay Shammay. 45 Shammay wiilkiisiina wuxuu ahaa Maacoon, Maacoonna wuxuu ahaa Beytsuur aabbihiis. 46 Ceefah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Xaaraan, iyo Moosaa, iyo Gaasees, oo Xaaraanna wuxuu dhalay Gaasees. 47 Wiilashii Yaahdayna waxay ahaayeen Regem, iyo Yootam, iyo Geeshaan, iyo Feled, iyo Ceefah, iyo Shacaf. 48 Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah. 49 Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah. 50 Oo kuwanu waxay wada ahaayeen ilmaha Kaaleeb, kaasoo ahaa ina Xuur, oo ahaa curadkii Efraataah, iyo Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiis, 51 iyo Salmaa oo ahaa Beytlaxam aabbihiis, iyo Xaareef oo ahaa Beytgaadeer aabbihiis. 52 Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiisna wuxuu lahaa wiilal, Haaro'eh iyo reer Menuxood badhkiis. 53 Oo reer Qiryad Yecaariim qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Yeter, iyo reer Fuutii, iyo reer Shumaatii, iyo reer Mishraacii, oo kuwaas waxaa ka soo farcamay reer Sorcaah, iyo reer Eshtaa'ool. 54 Wiilashii Salmaana waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo reer Netofaah, iyo Cataarood Beytyoo'aab, iyo reer Maanahad badhkiis, iyo reer Sorcii. 55 Oo karraaniyadii Yacbees degganaa qolooyinkoodiina waxay ahaayeen reer Tircaatii, iyo reer Shimcaatiim, iyo reer Suukaatiim. Intaasu waa reer Qeynkii ka soo farcamay Xammad oo ahaa reer Reekaab aabbahood.
Wiilashii Daa'uud
3 Haddaba kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Daa'uud, oo isaga ugu dhashay Xebroon, oo curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo ay dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel, oo kii labaadna wuxuu ahaa Daanyeel, oo ay dhashay Abiigayil tii reer Karmel, 2 oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay, 3 kii shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo ay Abiital dhashay, kii lixaadna, wuxuu ahaa Yitrecaam oo uu ka dhalay naagtiisii Ceglaah. 4 Lix waxay ugu dhasheen Xebroon, oo Xebroon wuxuu boqor ka ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa saddex iyo soddon sannadood. 5 Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel, 6 iyo Yibxaar, iyo Eliishaamaac, iyo Eliifeled, 7 iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica, 8 iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal. 9 Oo kuwaas oo dhammu waxay ahaayeen ilmaha Daa'uud, oo wiilashiisii uu addoommaha ka dhalayna kuma ay jirin, oo Taamaarna waxay ahayd walaashood.
Boqorradii Yahuudah
10 Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad, 11 wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash, 12 wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam, 13 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh, 14 wiilkiisiina wuxuu ahaa Aamoon, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoosiyaah. 15 Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum. 16 Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah.
Abtirsiinadii Israa'iil Ee Masaafurintii Kaddib
17 Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen: 18 wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah. 19 Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood, 20 iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan. 21 Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah. 22 Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix. 23 Wiilashii Necaryaahna waxay ahaayeen Eliyooceenay, iyo Xisqiyaah, iyo Casriiqaam, oo waxay ahaayeen saddex. 24 Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.
Qolooyin Kale Oo Yahuudah
4 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal. 2 Oo Re'aayaah oo ahaa ina Shoobaalna wuxuu dhalay Yaaxad, Yaaxadna wuxuu dhalay Axuumay iyo Lahad. Kuwanu waa qolooyinkii reer Sorcaah. 3 Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii uu dhalay Ceetaam aabbihiis, oo waa Yesreceel, iyo Yishmaa, iyo Yidbaash, oo walaashood magaceedana waxaa la odhan jiray Haselelfoonii, 4 iyo Fenuu'eel oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Ceser oo ahaa Xuushaah aabbihiis. Kuwanu waa wiilashii Xuur, kaasoo ahaa curadkii Efraataah, oo ahaa Beytlaxam aabbihiis. 5 Oo Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiisna wuxuu qabay laba naagood, oo waxay ahaayeen Xelaah iyo Nacaraah. 6 Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii. 7 Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan. 8 Haqoosna wuxuu dhalay Caanuub, iyo Sobeebaah, iyo qolooyinka reer Axarxeel oo ahaa ina Haaruum. 9 Yacbeesna wuu ka ciso badnaa walaalihiis oo dhan, oo hooyadiis ayaa isagii ku magacawday Yacbees, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isaga waxaan ku dhalay tiiraanyo. 10 Oo Yacbeesna wuxuu baryay Ilaahii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa inaad i barakaysid, oo aad soohdintayda ii ballaadhisid, iyo in gacantaadu ila jirto, oo aad sharka iga dhawrtid, si aanan u tiiraanyoon! Oo Ilaahna wuu siiyey wixii uu weyddiistay. 11 Keluub oo ahaa Shuuxah walaalkiisna wuxuu dhalay Mexiir, oo ahaa Eshtoon aabbihiis. 12 Eshtoonna wuxuu dhalay Beytraafaa, iyo Faasee'ax, iyo Texinnaah oo ahaa Ciirnaaxaash aabbihiis. Oo kuwanu waa nimankii Reekaah. 13 Wiilashii Qenasna waxay ahaayeen, Cotnii'eel, iyo Seraayaah, oo Cotnii'eelna wuxuu dhalay Xatad. 14 Mecoonotayna wuxuu dhalay Cofraah, oo Seraayaahna wuxuu dhalay Yoo'aab oo ahaa Geharashiim aabbihiis, waayo, iyagu waxay ahaayeen rag saaniciin ah. 15 Kaaleeb ina Yefunneh wiilashiisiina waxay ahaayeen Iiruu, iyo Eelaah, iyo Nacam, ina Eelaahna wuxuu ahaa Qenas. 16 Wiilashii Yehaleleelna waxay ahaayeen Siif iyo Siifaah, iyo Tiiryaa, iyo Asareel. 17 Ilmaha Cesraahna waxay ahaayeen Yeter, iyo Mered, iyo Ceefer, iyo Yaaloon, oo iyana waxay dhashay Maryan, iyo Shammay, iyo Yishbax oo ahaa Eshtemooca aabbihiis. 18 Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday. 19 Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad. 20 Wiilashii Shiimoonna waxay ahaayeen Cammoon, iyo Rinnaah, iyo Benxaanaan, iyo Tiiloon. Wiilashii Yishciina waxay ahaayeen Sooxeed iyo Bensooxeed. 21 Sheelaah ina Yahuudah wiilashiisiina waxay ahaayeen Ceer oo ahaa Leekaah aabbihiis, iyo Lacadaah oo ahaa Maareeshaah aabbihiis, iyo qolooyinka reerka kuwa dhar wanaagsan samayn jiray oo ka soo farcamay reer Ashbeeca, 22 iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay. 23 Oo kuwanuna waxay ahaayeen dheryodhoobyadii, oo waxay degganaan jireen Netaa'iim iyo Gedeeraah, oo halkaas ayay la degganaan jireen boqorka si ay shuqulkiisa u sameeyaan.
Farcankii Simecoon
24 Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul 25 oo dhalay Shalluum, oo isna dhalay Mibsam, oo isna dhalay Mishmaac. 26 Mishmaac farcankiisuna wuxuu ahaa Xamuu'eel oo dhalay Sakuur, oo isna dhalay Shimcii. 27 Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale. 28 Oo iyagu waxay degganaayeen Bi'ir Shebac, iyo Molaadaah, iyo Xasar Shuucaal, 29 iyo Bilhah, iyo Cesem, iyo Toolad, 30 iyo Betuu'eel, iyo Xormaah, iyo Siiqlag, 31 iyo Beytmarkabood, iyo Xasar Suusiim, iyo Beytbirii, iyo Shacarayim. Intaasu waxay ahaayeen magaalooyinkoodii ay degganaayeen tan iyo waagii Daa'uud boqortooyada haystay. 32 Oo tuulooyinkoodiina waxay ahaayeen Ceetaam, iyo Cayn, iyo Rimmon, iyo Token, iyo Caashaan, oo waxay ahaayeen shan magaalo, 33 iyo kulli tuulooyinkoodii ku wareegsanaa isla magaalooyinkaas ilaa tan iyo Bacal. Kuwaasu waxay ahaayeen rugahoodii ay degganaayeen, oo iyagu abtirisna way leeyihiin. 34 Oo Meshoobaab, iyo Yamleeg, iyo Yooshaah oo ahaa ina Amasyaah, 35 iyo Yoo'eel, iyo Yeehuu oo ahaa ina Yooshibyaah ina Seraayaah, ina Casii'eel, 36 iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah, 37 iyo Siisaa oo ahaa ina Shifcii ina Alloon oo ahaa reer Yedacyaah oo ka ahaa reer Shimrii oo ka sii ahaa reer Shemacyaah, 38 intaas magacyadooda la sheegay waxay ahaayeen amiirradii qolooyinkooda, oo reerahooduna aad bay si weyn ugu kordheen. 39 Oo waxay tageen meesha Gedoor laga galo iyo xataa tan iyo dooxadii dhankeeda bari si ay idahooda daaq ugu doondoonaan. 40 Oo waxay halkaas ka heleen daaq cosob ah oo wanaagsan, oo dhulkuna wuu ballaadhnaa, wuxuuna ahaa dal xasilloon oo nabdoon, waayo, kuwii halkaas waagii hore degganaan jiray waxay ahaayeen reer Xaam. 41 Oo kuwan magacyadooda la qoray waxay dalka soo galeen waagii boqorkii reer Yahuudah, oo Xisqiyaah ahaa, oo waxay dumiyeen teendhooyinkoodii oo laayeen reer Mecuuniimkii halkaas laga helay, dhammaantoodna way wada baabbi'iyeen, ilaa maantadan la joogo, oo meeshoodii bay degeen, maxaa yeelay, meeshaasu waxay lahayd daaq ay idahoodu daaqaan. 42 Oo iyaga qaarkood oo ahaa reer Simecoon oo tiradoodu ahayd shan boqol oo nin waxay tageen Buur Seciir, oo waxaa saraakiil u ahaa Felatyaah, iyo Necaryaah, iyo Refaayaah, iyo Cusii'eel oo wada ahaa wiilashii Yishcii. 43 Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.
Farcankii Ruubeen
5 Oo kuwanuna waa wiilashii Ruubeen kaasoo ahaa curadkii Israa'iil, (laakiinse isagu wuxuu nijaaseeyey gogoshii aabbihiis oo sidaas daraaddeed curadnimadiisii waxaa la siiyey wiilashii Yuusuf ina Israa'iil, oo abtiriskiisiina laguma tirin xagga curadnimadiisii. 2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:) 3 oo wiilashii Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii. 4 Farcankii Yoo'eelna wuxuu ahaa Shemacyaah oo dhalay Juuj, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Miikaah, 5 oo isna dhalay Re'aayaah, oo isna dhalay Bacal, 6 oo isna dhalay Be'eeraah, oo ahaa kii boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser la odhan jiray uu maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo isna wuxuu ahaa amiirkii reer Ruubeen. 7 Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah, 8 iyo Belac oo ahaa ina Caasaas ina Shemac oo ahaa ina Yoo'eel oo degganaan jiray Carooceer, iyo xataa tan iyo Nebo iyo Bacal Mecoon, 9 oo xagga barina wuxuu degganaan jiray tan iyo xataa meesha laga galo cidlada markii laga soo bilaabo Webi Yufraad, maxaa yeelay, xoolahoodii ayaa ku tarmay dalkii Gilecaad. 10 Oo wakhtigii Saa'uul ayay la dagaallameen reer Hagrii'iim, oo iyaga gacantooda ku baabba'ay, oo iyana waxay degeen teendhooyinkoodii ku dhex yiil dalkii Gilecaad bari ka xigay oo dhan.
Farcankii Gaad
11 Oo waxaa meel iyaga ka soo hor jeedda, oo ah dalka Baashaan iyo tan iyo Salkaah degganaa wiilashii Gaad 12 kuwaasoo ahaa Yoo'eel oo madax ahaa, iyo Shaafaam oo ahaa kii labaad, iyo Yacnay, iyo Shaafaad, waxay wada joogeen Baashaan, 13 oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba. 14 Oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii Abiixayil ina Xuurii, oo ahaa ina Yaaroo'ax, oo ahaa ina Gilecaad, oo ahaa ina Miikaa'eel, oo ahaa ina Yeshiishay, oo ahaa ina Yaxdoo, oo ahaa ina Buus; 15 Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii. 16 Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog. 17 Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
18 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan. 19 Oo iyagu waxay la dagaallameen reer Hagrii'iim iyo reer Yetuur, iyo reer Naafiish, iyo reer Naadaab. 20 Oo iyagiina waa looga hiiliyey, markaasaa reer Hagrii'iim waxaa la soo geliyey gacantoodii, iyagii iyo kuwii kale oo la jiray oo dhanba, waayo, intay dagaalka ku jireen ayay Ilaah u qayshadeen, wuuna aqbalay, maxaa yeelay, isagay isku halleeyeen. 21 Oo waxay iyagii ka dhaceen xoolahoodii kuwaasoo ahaa geel ah konton kun, iyo ido ah laba boqol iyo konton kun, iyo dameerro ah laba kun, iyo dad tiradiisu tahay boqol qof. 22 Oo qaar badan baa laga laayay, maxaa yeelay, dagaalku wuxuu ka yimid xag Ilaah. Oo meeshoodii bayna degeen tan iyo waagii maxaabiisnimada.
Qabiilkii Reer Manaseh Badhkood
23 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkoodna dalkay degeen, oo waxay ku kordheen tan iyo Baashaan, iyo ilaa Bacal Xermoon, iyo tan iyo Seniir, iyo ilaa Buur Xermoon. 24 Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.
25 Oo iyagu waxay ku xadgudbeen Ilaahii awowayaashood, oo sidii naag ninkeedii ka dhillowday ayay raaceen ilaahyadii dadkii dalka degganaa, oo Ilaah hortooda ku baabbi'iyey. 26 Oo markaasaa Ilaah wuxuu kiciyey boqorkii Ashuur ee Fuul ahaa, kaasoo ahaa boqorkii Ashuur oo Tilgad Filneser ahaa, oo isna iyagii buu kaxaystay xataa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu iyagii geeyey Xalax, iyo Xaaboor, iyo Haaraa, iyo tan iyo webiga Goosaan, oo halkaasay joogaan ilaa maantadan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya