Yooxanaa 9
Somali Bible
Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala'aan Ku Dhashay
9 Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay. 2 Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho? 3 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ninkan iyo waalidkiis midna ma dembaabin, laakiin waa in shuqullada Ilaah lagu muujiyo isaga. 4 Waa inaan samayno shuqullada kii i soo diray intay maalin tahay; habeen baa imanaya mar aan ninna shaqayn karin. 5 Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida. 6 Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii, 7 oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya. 8 Sidaa daraaddeed derisyadii iyo kuwii hortii arki jiray inuu miskiin yahay, waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kii fadhiyi jiray oo dawarsan jiray? 9 Qaar baa yidhi, Waa isagii, Qaarna waxay yidhaahdeen, Maya, laakiin waa u eg yahay. Isagaa yidhi, Isagii baan ahay. 10 Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen? 11 Wuxuu ugu jawaabay, Ninka Ciise la yidhaahdo ayaa dhoobo sameeyey oo indhahayga mariyey, oo wuxuu igu yidhi, Siloo'am u kac, oo ku soo maydho, Sidaa aawadeed ayaan tegey, oo markaan soo maydhay ayaan arag helay. 12 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.
13 Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii. 14 Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay. 15 Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weyddiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa. 16 Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii. 17 Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furaye? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi. 18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay, 19 oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa? 20 Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay, 21 laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye. 22 Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro. 23 Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.
24 Haddaba mar labaad ayay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Ilaah ammaan. Waxaannu garanaynaa inuu ninkanu dembi leeyahaye. 25 Wuxuu haddaba ugu jawaabay, Inuu dembi leeyahay garan maayo, waxa keli ahoo aanse garanayaa, inaan indha la'aa, oo aan haddana wax arkayo. 26 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay? 27 Wuxuu ugu jawaabay, Horaan idiinku sheegay, mana aydnaan maqlin. Maxaad u doonaysaan inaad mar kale maqashaan? Idinkuna ma waxaad doonaysaan inaad xertiisa noqotaan? 28 Markaasay caayeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adigu xertiisa baad tahay, annaguse waxaannu nahay xertii Muuse. 29 Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno. 30 Ninkii baa u jawaabay oo ku yidhi, Waxakanu waa yaab inaydnaan garanaynin meeshuu ka yimid, isaguna uu indhaha ii furay. 31 Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya. 32 Tan iyo dunida bilowgeedii lama maqlin nin indhaha u furay qof indhala'aan ku dhashay. 33 Ninkanu haddaanu xaggii Ilaah ka iman, waxba ma uu samayn kareen. 34 Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Dhammaantaaba dembiyo waad ku dhalatay ee ma wax baad na baraysaa? Kolkaasay dibadda ku tuureen.
35 Ciise ayaa maqlay inay dibadda ku tuureen, wuuna helay oo ku yidhi, Wiilka Ilaah ma rumaysan tahay? 36 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yuu yahay, Sayidow, aan rumaystee? 37 Ciise ayaa ku yidhi, Waad aragtay, waana isaga kan kula hadlayaa. 38 Markaasuu ku yidhi, Waa rumaysnahay, Sayidow. Wuuna caabuday.
39 Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan. 40 Kuwii Farrisiinta ahaa oo la joogay ayaa waxyaalahaas maqlay, oo waxay ku yidhaahdeen, Annaguna ma indha la' nahay? 41 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
John 9
King James Version
9 And as Jesus passed by, he saw a man which was blind from his birth.
2 And his disciples asked him, saying, Master, who did sin, this man, or his parents, that he was born blind?
3 Jesus answered, Neither hath this man sinned, nor his parents: but that the works of God should be made manifest in him.
4 I must work the works of him that sent me, while it is day: the night cometh, when no man can work.
5 As long as I am in the world, I am the light of the world.
6 When he had thus spoken, he spat on the ground, and made clay of the spittle, and he anointed the eyes of the blind man with the clay,
7 And said unto him, Go, wash in the pool of Siloam, (which is by interpretation, Sent.) He went his way therefore, and washed, and came seeing.
8 The neighbours therefore, and they which before had seen him that he was blind, said, Is not this he that sat and begged?
9 Some said, This is he: others said, He is like him: but he said, I am he.
10 Therefore said they unto him, How were thine eyes opened?
11 He answered and said, A man that is called Jesus made clay, and anointed mine eyes, and said unto me, Go to the pool of Siloam, and wash: and I went and washed, and I received sight.
12 Then said they unto him, Where is he? He said, I know not.
13 They brought to the Pharisees him that aforetime was blind.
14 And it was the sabbath day when Jesus made the clay, and opened his eyes.
15 Then again the Pharisees also asked him how he had received his sight. He said unto them, He put clay upon mine eyes, and I washed, and do see.
16 Therefore said some of the Pharisees, This man is not of God, because he keepeth not the sabbath day. Others said, How can a man that is a sinner do such miracles? And there was a division among them.
17 They say unto the blind man again, What sayest thou of him, that he hath opened thine eyes? He said, He is a prophet.
18 But the Jews did not believe concerning him, that he had been blind, and received his sight, until they called the parents of him that had received his sight.
19 And they asked them, saying, Is this your son, who ye say was born blind? how then doth he now see?
20 His parents answered them and said, We know that this is our son, and that he was born blind:
21 But by what means he now seeth, we know not; or who hath opened his eyes, we know not: he is of age; ask him: he shall speak for himself.
22 These words spake his parents, because they feared the Jews: for the Jews had agreed already, that if any man did confess that he was Christ, he should be put out of the synagogue.
23 Therefore said his parents, He is of age; ask him.
24 Then again called they the man that was blind, and said unto him, Give God the praise: we know that this man is a sinner.
25 He answered and said, Whether he be a sinner or no, I know not: one thing I know, that, whereas I was blind, now I see.
26 Then said they to him again, What did he to thee? how opened he thine eyes?
27 He answered them, I have told you already, and ye did not hear: wherefore would ye hear it again? will ye also be his disciples?
28 Then they reviled him, and said, Thou art his disciple; but we are Moses' disciples.
29 We know that God spake unto Moses: as for this fellow, we know not from whence he is.
30 The man answered and said unto them, Why herein is a marvellous thing, that ye know not from whence he is, and yet he hath opened mine eyes.
31 Now we know that God heareth not sinners: but if any man be a worshipper of God, and doeth his will, him he heareth.
32 Since the world began was it not heard that any man opened the eyes of one that was born blind.
33 If this man were not of God, he could do nothing.
34 They answered and said unto him, Thou wast altogether born in sins, and dost thou teach us? And they cast him out.
35 Jesus heard that they had cast him out; and when he had found him, he said unto him, Dost thou believe on the Son of God?
36 He answered and said, Who is he, Lord, that I might believe on him?
37 And Jesus said unto him, Thou hast both seen him, and it is he that talketh with thee.
38 And he said, Lord, I believe. And he worshipped him.
39 And Jesus said, For judgment I am come into this world, that they which see not might see; and that they which see might be made blind.
40 And some of the Pharisees which were with him heard these words, and said unto him, Are we blind also?
41 Jesus said unto them, If ye were blind, ye should have no sin: but now ye say, We see; therefore your sin remaineth.
John 9
New International Version
Jesus Heals a Man Born Blind
9 As he went along, he saw a man blind from birth. 2 His disciples asked him, “Rabbi,(A) who sinned,(B) this man(C) or his parents,(D) that he was born blind?”
3 “Neither this man nor his parents sinned,” said Jesus, “but this happened so that the works of God might be displayed in him.(E) 4 As long as it is day,(F) we must do the works of him who sent me. Night is coming, when no one can work. 5 While I am in the world, I am the light of the world.”(G)
6 After saying this, he spit(H) on the ground, made some mud with the saliva, and put it on the man’s eyes. 7 “Go,” he told him, “wash in the Pool of Siloam”(I) (this word means “Sent”). So the man went and washed, and came home seeing.(J)
8 His neighbors and those who had formerly seen him begging asked, “Isn’t this the same man who used to sit and beg?”(K) 9 Some claimed that he was.
Others said, “No, he only looks like him.”
But he himself insisted, “I am the man.”
10 “How then were your eyes opened?” they asked.
11 He replied, “The man they call Jesus made some mud and put it on my eyes. He told me to go to Siloam and wash. So I went and washed, and then I could see.”(L)
12 “Where is this man?” they asked him.
“I don’t know,” he said.
The Pharisees Investigate the Healing
13 They brought to the Pharisees the man who had been blind. 14 Now the day on which Jesus had made the mud and opened the man’s eyes was a Sabbath.(M) 15 Therefore the Pharisees also asked him how he had received his sight.(N) “He put mud on my eyes,” the man replied, “and I washed, and now I see.”
16 Some of the Pharisees said, “This man is not from God, for he does not keep the Sabbath.”(O)
But others asked, “How can a sinner perform such signs?”(P) So they were divided.(Q)
17 Then they turned again to the blind man, “What have you to say about him? It was your eyes he opened.”
The man replied, “He is a prophet.”(R)
18 They(S) still did not believe that he had been blind and had received his sight until they sent for the man’s parents. 19 “Is this your son?” they asked. “Is this the one you say was born blind? How is it that now he can see?”
20 “We know he is our son,” the parents answered, “and we know he was born blind. 21 But how he can see now, or who opened his eyes, we don’t know. Ask him. He is of age; he will speak for himself.” 22 His parents said this because they were afraid of the Jewish leaders,(T) who already had decided that anyone who acknowledged that Jesus was the Messiah would be put out(U) of the synagogue.(V) 23 That was why his parents said, “He is of age; ask him.”(W)
24 A second time they summoned the man who had been blind. “Give glory to God by telling the truth,”(X) they said. “We know this man is a sinner.”(Y)
25 He replied, “Whether he is a sinner or not, I don’t know. One thing I do know. I was blind but now I see!”
26 Then they asked him, “What did he do to you? How did he open your eyes?”
27 He answered, “I have told you already(Z) and you did not listen. Why do you want to hear it again? Do you want to become his disciples too?”
28 Then they hurled insults at him and said, “You are this fellow’s disciple! We are disciples of Moses!(AA) 29 We know that God spoke to Moses, but as for this fellow, we don’t even know where he comes from.”(AB)
30 The man answered, “Now that is remarkable! You don’t know where he comes from, yet he opened my eyes. 31 We know that God does not listen to sinners. He listens to the godly person who does his will.(AC) 32 Nobody has ever heard of opening the eyes of a man born blind. 33 If this man were not from God,(AD) he could do nothing.”
34 To this they replied, “You were steeped in sin at birth;(AE) how dare you lecture us!” And they threw him out.(AF)
Spiritual Blindness
35 Jesus heard that they had thrown him out, and when he found him, he said, “Do you believe(AG) in the Son of Man?”(AH)
36 “Who is he, sir?” the man asked. “Tell me so that I may believe in him.”(AI)
37 Jesus said, “You have now seen him; in fact, he is the one speaking with you.”(AJ)
38 Then the man said, “Lord, I believe,” and he worshiped him.(AK)
39 Jesus said,[a] “For judgment(AL) I have come into this world,(AM) so that the blind will see(AN) and those who see will become blind.”(AO)
40 Some Pharisees who were with him heard him say this and asked, “What? Are we blind too?”(AP)
41 Jesus said, “If you were blind, you would not be guilty of sin; but now that you claim you can see, your guilt remains.(AQ)
Footnotes
- John 9:39 Some early manuscripts do not have Then the man said … 39 Jesus said.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya
Holy Bible, New International Version®, NIV® Copyright ©1973, 1978, 1984, 2011 by Biblica, Inc.® Used by permission. All rights reserved worldwide.
NIV Reverse Interlinear Bible: English to Hebrew and English to Greek. Copyright © 2019 by Zondervan.