Add parallel Print Page Options

Amiirradii Iyo Barasaabyadii Sulaymaan

Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan. Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa, Eliixoref iyo Axiiyaah oo ahaa ilma Shiisha waxay ahaayeen karraaniyo, Yehooshaafaad ina Axiiluudna wuxuu ahaa taariikhdhige; Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo; oo Casaryaah ina Naataanna wuxuu u sarreeyey saraakiisha; oo Saabuud ina Naataanna wuxuu ahaa wadaad, boqorkana saaxiib buu la ahaa; oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade. Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor. Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim; Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan; 10 Benxesed oo wakiil ka ahaa Arubood oo lahaa Sokoh iyo dalka Heefer oo dhan; 11 Benabiinaadaab oo wakiil ka ahaa meelaha dhaadheer ee Door oo dhan, oo wuxuu qabay Taafad oo ahayd ina Sulaymaan, 12 iyo Bacanaa ina Axiiluud oo wakiil ka ahaa Tacanaag iyo Megiddoo, iyo Beytshe'aan oo dhan oo ku ag taal Saaretaan, Yesreceel hoosteeda, laga soo bilaabo Beytshe'aan ilaa Aabeel Mehoolaah, iyo tan iyo Yoqmecaam shishadeeda; 13 Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah. 14 Axiinaadaab ina Iddo oo Maxanayim wakiil ka ahaa; 15 iyo Axiimacas oo wakiil ka ahaa Naftaali oo isna qabay Sulaymaan gabadhiisii Basemad ahayd; 16 iyo Bacanaa ina Xuushay oo wakiil ka ahaa Aasheer iyo Becaalood; 17 iyo Yehooshaafaad ina Faaruu'ax oo Isaakaar wakiil ka ahaa; 18 iyo Shimcii ina Eelaa, oo reer Benyaamiin wakiil ka ahaa: 19 iyo Geber ina Uurii oo wakiil ka ahaa dalka Gilecaad oo ah waddankii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, iyo waddankii Coog boqorkii Baashaan. Oo dalkaas oo dhan keligii baa wakiil ka ahaa.

Quudmaalmeedkii Sulaymaan

20 Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen. 21 Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan. 22 Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah, 23 iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey. 24 Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa. 25 Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac. 26 Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah. 27 Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo. 28 Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray.

Xigmaddii Sulaymaan

29 Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal. 30 Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan, 31 maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan. 32 Oo wuxuu ku hadlay saddex kun oo maahmaahood; oo gabayadiisuna waxay ahaayeen kun iyo shan. 33 Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka. 34 Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

Solomon’s Officials and Governors

So King Solomon ruled over all Israel. And these were his chief officials:(A)

Azariah(B) son of Zadok—the priest;

Elihoreph and Ahijah, sons of Shisha—secretaries;(C)

Jehoshaphat(D) son of Ahilud—recorder;

Benaiah(E) son of Jehoiada—commander in chief;

Zadok(F) and Abiathar—priests;

Azariah son of Nathan—in charge of the district governors;

Zabud son of Nathan—a priest and adviser to the king;

Ahishar—palace administrator;(G)

Adoniram(H) son of Abda—in charge of forced labor.(I)

Solomon had twelve district governors(J) over all Israel, who supplied provisions for the king and the royal household. Each one had to provide supplies for one month in the year. These are their names:

Ben-Hur—in the hill country(K) of Ephraim;

Ben-Deker—in Makaz, Shaalbim,(L) Beth Shemesh(M) and Elon Bethhanan;

10 Ben-Hesed—in Arubboth (Sokoh(N) and all the land of Hepher(O) were his);

11 Ben-Abinadab—in Naphoth Dor(P) (he was married to Taphath daughter of Solomon);

12 Baana son of Ahilud—in Taanach and Megiddo, and in all of Beth Shan(Q) next to Zarethan(R) below Jezreel, from Beth Shan to Abel Meholah(S) across to Jokmeam;(T)

13 Ben-Geber—in Ramoth Gilead (the settlements of Jair(U) son of Manasseh in Gilead(V) were his, as well as the region of Argob in Bashan and its sixty large walled cities(W) with bronze gate bars);

14 Ahinadab son of Iddo—in Mahanaim;(X)

15 Ahimaaz(Y)—in Naphtali (he had married Basemath daughter of Solomon);

16 Baana son of Hushai(Z)—in Asher and in Aloth;

17 Jehoshaphat son of Paruah—in Issachar;

18 Shimei(AA) son of Ela—in Benjamin;

19 Geber son of Uri—in Gilead (the country of Sihon(AB) king of the Amorites and the country of Og(AC) king of Bashan). He was the only governor over the district.

Solomon’s Daily Provisions

20 The people of Judah and Israel were as numerous as the sand(AD) on the seashore; they ate, they drank and they were happy.(AE) 21 And Solomon ruled(AF) over all the kingdoms from the Euphrates River(AG) to the land of the Philistines, as far as the border of Egypt.(AH) These countries brought tribute(AI) and were Solomon’s subjects all his life.

22 Solomon’s daily provisions(AJ) were thirty cors[a] of the finest flour and sixty cors[b] of meal, 23 ten head of stall-fed cattle, twenty of pasture-fed cattle and a hundred sheep and goats, as well as deer, gazelles, roebucks and choice fowl.(AK) 24 For he ruled over all the kingdoms west of the Euphrates River, from Tiphsah(AL) to Gaza, and had peace(AM) on all sides. 25 During Solomon’s lifetime Judah and Israel, from Dan to Beersheba,(AN) lived in safety,(AO) everyone under their own vine and under their own fig tree.(AP)

26 Solomon had four[c] thousand stalls for chariot horses,(AQ) and twelve thousand horses.[d]

27 The district governors,(AR) each in his month, supplied provisions for King Solomon and all who came to the king’s table. They saw to it that nothing was lacking. 28 They also brought to the proper place their quotas of barley and straw for the chariot horses and the other horses.

Solomon’s Wisdom

29 God gave Solomon wisdom(AS) and very great insight, and a breadth of understanding as measureless as the sand(AT) on the seashore. 30 Solomon’s wisdom was greater than the wisdom of all the people of the East,(AU) and greater than all the wisdom of Egypt.(AV) 31 He was wiser(AW) than anyone else, including Ethan the Ezrahite—wiser than Heman, Kalkol and Darda, the sons of Mahol. And his fame spread to all the surrounding nations. 32 He spoke three thousand proverbs(AX) and his songs(AY) numbered a thousand and five. 33 He spoke about plant life, from the cedar of Lebanon to the hyssop(AZ) that grows out of walls. He also spoke about animals and birds, reptiles and fish. 34 From all nations people came to listen to Solomon’s wisdom, sent by all the kings(BA) of the world, who had heard of his wisdom.[e]

Footnotes

  1. 1 Kings 4:22 That is, probably about 5 1/2 tons or about 5 metric tons
  2. 1 Kings 4:22 That is, probably about 11 tons or about 10 metric tons
  3. 1 Kings 4:26 Some Septuagint manuscripts (see also 2 Chron. 9:25); Hebrew forty
  4. 1 Kings 4:26 Or charioteers
  5. 1 Kings 4:34 In Hebrew texts 4:21-34 is numbered 5:1-14.