Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
One verse. Every morning. Get the free Verse of the Day email.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
Verse of the Day by email. Sign up free.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Wacdiyahii 2  Somali Bible

Raaxo Waa Wax Aan Micne Lahayn

2 Waxaan qalbiga iska idhi, Bal kaalay, waxaan kugu tijaabin doonaa farxad, haddaba bal iska raaxayso, oo bal eeg, taasuna waa wax aan waxba tarayne. 2 Qosol waxaan ka idhi, Waa waalli! Farxadna waxaan ka idhi, Bal maxay taraysaa? 3 Waxaan qalbigayga ka damcay inaan jidhkayga khamri ku istareexiyo intii qalbigaygu xigmad igu hoggaaminayo, iyo inaan nacasnimo xagsado jeeraan arko waxa binu-aadmiga ku wanaagsan inay cimrigooda oo dhan samada hoosteeda ku sameeyaan. 4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay. 5 Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh. 6 Waxaan samaystay balliyo biya ah oo laga waraabiyo kaynta dhirtu ka baxdo. 7 Waxaan soo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaan lahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaan lahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waan ka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan. 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan. 9 Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay. 10 Oo wax kasta oo indhahaygu jeclaysteenna kama aan celin, oo qalbigaygana kama aan joojin farxad cayn kastoo ay tahayba, waayo, qalbigaygu wuu ku reyreeyey hawshaydii oo dhan, oo taasuna waxay ahayd qaybtii aan hawshaydii oo dhan ka helay. 11 Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.

Xigmad Iyo Nacasnimo Waa Wax Aan Micne Lahayn

12 Markaasaan u soo jeestay inaan xigmad iyo waalli iyo nacasnimoba fiiriyo, waayo, ninka boqorka ka dambeeya bal muxuu samayn karaa wixii hore loo sameeyey mooyaane? 13 Markaasaan gartay in xigmaddu ay ka sii fiican tahay nacasnimada, sida iftiinku uu gudcurka uga fiican yahay oo kale. 14 Ninkii xigmadda leh indhihiisu madaxiisay ku yaallaan, oo nacasku gudcur buu ku dhex socdaa, laakiinse waxaan gartay inuu isku wax dhammaantood ku dhoco. 15 Oo haddana waxaan qalbigayga iska idhi, Wixii nacaska ku dhaca anigana way igu dhici doonaan, haddaba bal maxaan uga xigmad badnaaday? Markaasaan qalbigayga iska idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn. 16 Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!

Hawl Waa Wax Aan Micne Lahayn

17 Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha. 18 Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya. 19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn. 20 Haddaba sidaas daraaddeed ayaan uga qalbi jabay wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan. 21 Waayo, waxaa jira nin hawshiisa xigmad, iyo aqoon, iyo guul ku sameeya, oo haddana uga taga nin aan ku hawshoon. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo xaqdarro. 22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba? 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

24 Nin inuu wax cuno oo wax cabbo oo uu hawshiisa si wanaagsan ugu raaxaysto wax uga roon lama arko, oo taasna waxaan arkay inay tahay wax gacanta Ilaah ka yimid. 25 Waayo, bal yaa wax cuni kara, yaase raaxaysan kara in iga badan? 26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

Next
Wacdiyahii 1
Wacdiyahii 3
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway