Add parallel Print Page Options

Baryootankii Daa'uud.

86 Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab,
Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh,
Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
Sayidow, ii naxariiso,
Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi,
Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto,
Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig,
Oo codka baryootankayga maqal.
Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa,
Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro,
Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan,
Waxay ammaani doonaan magacaaga.
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa,
Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa,
Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
12 Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa,
Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay,
Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
14 Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen,
Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan,
Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
15 Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan,
Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
16 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii,
Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
17 Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus,
Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan,
Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.