Add parallel Print Page Options

59 Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati been ah oo Ciise ka gees ah si ay u dilaan. 60 Waase heli waayeen, in kastoo markhaatiyaal badan oo been ahu yimaadeen. Laakiinse dabadeed waxaa yimid laba, 61 oo waxay yidhaahdeen, Kanu wuxuu yidhi, Waan karayaa inan macbudka Ilaah dudumiyo oo saddex maalmood ku dhiso. 62 Markaasaa wadaadkii sare istaagay oo ku yidhi, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? 63 Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale. 64 Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka. 65 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka. 66 Maxay idinla tahay? Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Wuxuu istaahilaa dhimasho. 67 Markaasay wejiga kaga candhuufeen oo garaaceen. Qaarna waa dharbaaxeen, 68 oo waxay ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Masiixow. Yuu yahay kan kugu dhuftay?

Butros Baa Dafiray Ciise(A)

69 Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili. 70 Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay. 71 Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared. 72 Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka. 73 Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya. 74 Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey. 75 Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.

Read full chapter

54 Butros baa meel fog ka soo daba socday, oo wuxuu galay barxadda wadaadkii sare oo la fadhiistay askartii, dabkana ayuu kulaalay. 55 Wadaaddadii sare iyo shirkii oo dhan ayaa waxay dooneen markhaati Ciise ka gees ah si ay u dilaan, waase heli waayeen. 56 Waayo, qaar badan baa marag been ah ku fureen, laakiin maraggoodii isku mid ma ahayn. 57 Markaasaa waxaa kacay qaar marag been ah ku furay oo yidhaahdeen, 58 Waxaannu maqalnay isagoo leh, Macbudkan gacmo lagu sameeyey ayaan dudumin doonaa, saddex maalmood dabadeed waxaan dhisi doonaa mid kale oo aan gacmo lagu samayn. 59 Laakiin sidaasuuna maraggoodii isku mid u ahayn. 60 Markaasaa wadaadkii sare dhexda istaagay oo Ciise weyddiiyey isagoo leh, Miyaanad waxba ka jawaabayn? Kuwanu waxay kugu marag furayaan waa maxay? 61 Isaguse waa iska aamusay oo waxba uma jawaabin. Mar kale wadaadkii sare ayaa weyddiiyey oo ku yidhi, Miyaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Kan la ammaano? 62 Ciise baa yidhi, Waan ahay, oo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah, oo ku imanaya daruuraha cirka. 63 Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? 64 Waad maqasheen caytanka. Maxay idinla tahay? Kulligood waxay xukumeen inuu dhimasho istaahilo. 65 Qaar waxay bilaabeen inay candhuuf ku tufaan oo wejigiisa daboolaan oo garaacaan, waxayna ku yidhaahdeen, Wax sheeg. Askartiina way dharbaaxeen.

Butros Baa Dafiray Ciise(A)

66 Butros intuu hoosta joogay xaggii barxadda, waxaa u timid mid ka mid ah hablihii wadaadkii sare u shaqaynayay, 67 oo markay aragtay Butros oo dabka kulaalaya, ayay dayday oo tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasared. 68 Laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan, garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey. 69 Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood. 70 Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda. 71 Laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan. 72 Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

Read full chapter

55 oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay. 56 Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii. 57 Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii. 58 Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi. 59 Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili. 60 Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey. 61 Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 62 Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

Ciise Waa Lagu Kajamay Oo Garaacay(A)

63 Nimankii Ciise qabtay way ku kajameen oo garaaceen. 64 Oo intay indhaha ka xidheen ayay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, yuu yahay kan kugu dhuftay? 65 Wax badan oo kalena ayay ku lahaayeen iyagoo caayaya.

Ciise Oo Wadaaddadii Sare Hor Taagan(B)

66 Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh, 67 Haddii aad Masiixa tahay, noo sheeg. Wuxuuse ku yidhi, Haddaan idiin sheego ma rumaysan doontaan. 68 Haddaan idin weyddiiyona, iima jawaabi doontaan. 69 Laakiin hadda dabadeed Wiilka Aadanahu wuxuu fadhiisan doonaa midigta xoogga Ilaah. 70 Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay. 71 Markaasay yidhaahdeen, Maxaannu markhaati weli ugu baahan nahay? Waayo, qudheenna ayaa afkiisa ka maqalnay.

Read full chapter