Add parallel Print Page Options

Sarakicidda Kuwii Dhintay(A)

18 Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, 19 Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto oo naag ka tago isagoo aan ilmo lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 20 Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin. 21 Kii labaad baa dumaalay, wuuna dhintay, isaguna dhal kama tegin, oo sidaas oo kalaa ku dhacday kii saddexaad. 22 Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay. 23 Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen. 24 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin? Waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan. 25 Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira. 26 Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? 27 Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. Idinku aad baad u qaldan tihiin.

Read full chapter

Sarakicidda Kuwii Dhintay(A)

27 Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. 28 Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 29 Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan. 30 Kii labaadna wuu guursaday, 31 oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen. 32 Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay. 33 Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen. 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa, 35 laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo, 36 waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda. 37 Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub. 38 Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin. 39 Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay. 40 Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.

Read full chapter