Add parallel Print Page Options

27 Berrito ha ku faanin,
Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin,
Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay,
Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad,
Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Canaantii bayaan ahu
Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo,
Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa,
Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
Ninkii hoygiisa ka warwareegaa
Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan,
Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona,
Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin,
Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi,
Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
13 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
14 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya,
Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in
Iyo naag muran badanu waa isku mid.
16 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa.
Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
17 Bir baa bir afaysa,
Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
18 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa.
Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
19 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo,
Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan,
Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan.
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh,
Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid,
Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga,
Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago,
Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda,
Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
26 Baraarku waa kuu dhar,
Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba,
Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.