Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Study Bibles + commentaries + Scripture = deeper understanding. Explore Bible Gateway Plus.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
Study resources + Scripture = deeper understanding.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Maahmaahyadii 18  Somali Bible

18 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa,
Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
2 Nacasku waxgarashada kuma farxo,
Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
3 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho,
Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
4 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer,
Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
5 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo,
Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran,
Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba',
Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan,
Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu,
Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh,
Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh,
Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
12 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor,
Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
13 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin,
Waa u nacasnimo iyo ceeb.
14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa,
Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
15 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon,
Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa.
Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa,
Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
18 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo,
Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
19 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado,
Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
20 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa,
Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka,
Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
22 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan,
Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
23 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa,
Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
24 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa,
Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

Next
Maahmaahyadii 17
Maahmaahyadii 19
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway