Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Start your day in Scripture. Get the Verse of the Day by email.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
We’ve made some updates. Have feedback?
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Hoosheeca 4  Somali Bible

Ashtako Lid Ku Ah Israa'iil

4 Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona. 2 Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata. 3 Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan. 4 Laakiinse ninna yuusan murmin, oo ninna yuusan mid kale canaanan, waayo, dadkaagu waa sida kuwa wadaadka la murma. 5 Oo adna maalinnimo waad turunturoon doontaa, oo habeennimona nebigu waa kula turunturoon doonaa, oo anna hooyadaa waan baabbi'in doonaa. 6 Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada. 7 Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa. 8 Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii. 9 Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaalmarin doonaa. 10 Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan. 11 Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan. 12 Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda. 13 Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan. 14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa. 15 Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa. 16 Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga? 17 Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa. 18 Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin. 19 Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.

Next
Hoosheeca 3
Hoosheeca 5
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway