Add parallel Print Page Options

Ciise Wadaadnimadiisa Iyo Axdiga Cusub

Waxyaalihii la yidhi wixii ugu muhimsanaa waa kan, Waxaynu leennahay wadaad sare oo caynkaas ah, kan fadhiistay midigta carshiga Weynaha jannooyinka ku jira, kan u adeega waxyaalaha quduuska ah iyo taambuugga runta ah ee Rabbigu dhisay oo aan dad dhisin. Waayo, wadaad kasta oo sare waxaa loo doortay inuu hadiyado iyo allabaryo bixiyo, sidaas daraaddeed waa lagamamaarmaan in wadaadkan sarena haysto wax uu bixiyo. Haddaba hadduu dhulka joogi lahaa, wadaad ma uu ahaadeen, maxaa yeelay, waxaa jira kuwa hadiyado u bixiya sida sharcigu leeyahay; kuwa u adeega waxa ah u-ekaanta iyo hooska waxyaalaha jannada, sidii Muuse loogu digay kolkuu ku dhowaa inuu taambuugga sameeyo. Waayo, wuxuu yidhi, Aad ugu fiirso inaad wax walba u samayso siduu ahaa u-ekaanshihii buurta lagugu tusay. Laakiin haatan wuxuu helay shuqul aad uga wanaagsan siduu u yahay dhexdhexaadiyaha axdiga ka wanaagsan ee lagu dhisay ballamo ka wanaagsan. Waayo, haddii axdigii hore uusan eed lahayn, mid labaad meella looma dooneen. Wuxuu yidhi, isagoo iyaga eedaynaya,

Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay,
Oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah;
Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale
Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar,
Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii,
Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.
10 Waayo, kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil
Maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay;
Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa maankooda,
Qalbigoodana waan ku qori doonaa,
Oo Ilaah baan u ahaan doonaa,
Iyaguna dad bay ii ahaan doonaan;
11 Oo iyagu ma bari doonaan mid walba deriskiisa
Iyo mid walba walaalkiis, iyagoo leh, Rabbiga garo,
Waayo, kulli way i garan doonaan,
Kan ugu yar ilaa kan ugu weyn.
12 Waayo, iyagoo xaqdaran baan u naxariisan doonaa,
Dembiyadoodana kol dambe ma xusuusan doono.

13 Kolkuu yidhi, Axdi cusub, ayuu kii hore duug ka dhigay. Laakiin kan duugoobayaa oo gaboobayaa wuxuu u dhow yahay inuu libdho.