Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Understand more as you read. Go deeper with Bible Gateway Plus.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
One verse. Every morning. Sign up.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Boqorradii Labaad 22  Somali Bible

Kitaabkii Sharciga Oo La Helay

22 Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ka ahaa kow iyo soddon sannadood. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Yediidaah ina Cadaayaah oo reer Bosqad ahaa. 2 Oo isagu wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray oo dhan, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

3 Oo Boqor Yoosiyaah sannaddiisii siddeed iyo tobnaad wuxuu Shaafaan ina Asalyaah oo ahaa ina Meshullaam oo karraanigii ahaa u diray gurigii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, 4 Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen. 5 Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira, 6 kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso. 7 Habase yeeshee lama xisaabin lacagtii iyaga loo dhiibay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen kuwa la aaminay. 8 Markaasaa Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi Shaafaan oo karraanigii ahaa, Waxaan guriga Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan, oo isna wuu akhriyey. 9 Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya. 10 Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii. 11 Oo markii boqorkii maqlay erayadii kitaabkii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay. 12 Markaasaa boqorkii amray wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cakhboor ina Miikaayaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa midiidinkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi, 13 War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran. 14 Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen, 15 oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray ku tidhaahdaan, 16 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan, 17 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto. 18 Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay: 19 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan meeshan ku soo dejin doono. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

Next
Boqorradii Labaad 21
Boqorradii Labaad 23
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway