Add parallel Print Page Options

21 Haddaba kuwanu waa amarradii aad hortooda dhigi lahayd.

Addoommadii Cibraaniyada Ahaa

Haddaad addoon Cibraani ah iibsatid, ha kuu adeego lix sannadood, oo tan toddobaadna ha iska tago isagoo xor ah oo aan waxba bixin. Oo hadduu keli ahaantiis ku soo galo, haddana keli ahaantiis ha ku baxo, hadduuse naag qabo, de markaas waa inay naagtiisu isaga la baxdaa. Haddii sayidkiisu naag siiyona, oo ay wiilal iyo gabdho u dhasho, de markaas naagta iyo carruurteedaba waxaa iska lahaanaya sayidkeedii, oo waa inuu isagu keligiis iska baxaa. Laakiinse haddii addoonku bayaan u yidhaahdo, Anigu waan jeclahay sayidkayga, iyo naagtayda, iyo carruurtayda, oo anigoo xor ah bixi maayo, de markaas waa in sayidkiisu xaakinnada u keenaa, oo waa inuu albaabka ag keenaa, ama tiirka albaabka; markaas sayidkiisu dhegta mudac ha kaga dalooliyo; oo weligiis ha u adeego.

Oo haddii nin gabadhiisa u iibiyo inay addoon noqoto, waa inaanay dibadda u bixin sida addoommada nimanka ahu ay u baxaan. Oo haddaanay raalli gelin sayidkeedii doonay iyada, de markaas waa inuu sii daayo iyada, ha la madax furto, laakiinse amar uma lahaan doono inuu iyada dad qalaad ka iibiyo, waayo, khiyaano ayuu kula macaamilooday iyada. Oo hadduu iyada wiilkiisa u guursho, de waa inuu iyada ula macaamiloodaa sida gabdhaha loola macaamiloodo. 10 Oo hadduu naag kale la guursado, waa inuusan inna ka dhimin masruufkeeda, iyo dharkeeda, iyo xaqa naagnimadeeda. 11 Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.

Dhaawicidda Shakhsiyeed

12 Kii nin wax ku dhufta si uu ninku u dhinto, isagana hubaal waa in la dilaa. 13 Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo. 14 Oo haddii nin kibir ula badheedho inuu deriskiisa khiyaano ku dilo, waa inaad isaga ka waddaa meeshayda allabariga, ha dhintee.

15 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

16 Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

17 Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

18 Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo; 19 kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.

20 Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa. 21 Kan la dilayse hadduu maalin ama laba sii joogo, de markaas waa inaan la ciqaabin, waayo, isagu waa lacagtiisii.

22 Oo haddii niman diriraan oo ay wax yeelaan naag uur leh, oo uu ilmaheedu ka soo dhaco, laakiinse dhib kale aanu dhicin, kaas waa in lagu ganaaxaa intii ninkii naagta qabay uu kor saaro, oo waa inuu bixiyaa intii xaakinnadu ku xukumaan. 23 Laakiinse haddii dhib kale dhacdo, waa inaad naf naf u dishaa, 24 oo waa inaad il il u riddaa, iligna ilig u riddaa, gacanna gacan u gooysaa, cagna cag u gooysaa, 25 oo kii wax guba, gub, kii wax dhaawacana, dhaawac, kii wax karbaashana, karbaash.

26 Oo haddii nin isha addoonkiisa ama isha addoontiisa wax ku dhufto, oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah, ishiisa aawadeed. 27 Oo hadduu iligga addoonkiisa ama iligga addoontiisa wax ku dhufto oo ka rido, de markaas waa inuu iska sii daayaa isagoo xor ah iliggiisa aawadiis.

28 Oo haddii dibi nin ama naag geeso ku mudo, oo ay dhintaan, markaas hubaal waa in dibiga la dhagxiyaa, oo hilibkiisana waa inaan la cunin; laakiinse qofkii dibiga lahaa waxba eed ma leh. 29 Laakiinse haddii markii hore dibigu dad geesaha ku mudi jiray, oo loo sheegay qofkii lahaa, isaguse aanu xidhin, laakiinse uu dibigu nin ama naag dilay, dibiga waa in la dhagxiyaa, oo weliba qofkii lahaana waa in isna la dilaa. 30 Haddiise mag la saaro isaga, de markaas waa inuu bixiyaa wax alla wixii la kor saaray madaxfurashadiisa aawadeed. 31 Hadduu wiil geeso ku muday iyo hadduu gabadh geeso ku mudayba waa in xukunkan lagu qaadaa. 32 Oo haddii dibigii geeso ku mudo nin addoon ah ama naag addoon ah, waa inuu ninkii dibiga lahaa sayidkoodii soddon sheqel oo lacag ah siiyaa, oo dibigana waa in la dhagxiyaa.

33 Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco, 34 de markaas waa in ninkii godka lahaa xaq mariyaa. Waa inuu lacag siiyaa ninkii neefka lahaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.

35 Oo haddii nin dibigiis nin kale dibigiis wax yeelo oo uu dhinto, de markaas waa inay dibiga nool iibiyaan, oo qiimihiisa waa inay qaybsadaan; oo weliba kan dhintayna waa inay qaybsadaan. 36 Ama haddii dibiga lagu yiqiin inuu markii hore wax geeso ku mudi jiray, oo uusan qofkii lahaa xidhin, markaas hubaal waa inuu dibi dibi ku bixiyaa, oo neefka dhintayna waa inuu isagu lahaado.