Add parallel Print Page Options

13 Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay,
Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale,
Anigu idinkama liito innaba.
Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo,
Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
Bal maad iska aamustaan!
Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
Haddaba bal xaajadayda maqla,
Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan,
Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
War ma isagaad u eexanaysaan?
Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho?
Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
10 Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan
Isagu wuu idin canaanan doonaa.
11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso?
Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
12 Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah,
Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee,
Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa,
Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa,
Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda,
Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17 Hadalkayga aad u dhegaysta,
Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey,
Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa?
Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.
20 Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn,
Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.
21 Gacantaada iga fogee,
Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin.
22 Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa,
Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.
23 Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa?
Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii.
24 Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa,
Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
25 Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa?
Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay?
26 Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa,
Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda.
27 Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa,
Cagahaygana xad baad u dhigtaa.
28 Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba'aya,
Iyo sida dhar aboor cunay oo kale.