Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
Welcome to the new Bible Gateway. Take a quick tour and see what’s new.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
We’ve made some updates. Have feedback?
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Ayuub 4  Somali Bible

Eliifas

4 Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

2 Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?
Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
3 Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,
Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
4 Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,
Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
5 Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,
Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
6 War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,
Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
7 Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?
Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
8 Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,
Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
9 Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,
Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,
Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,
Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,
Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,
Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,
Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,
Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;
Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;
Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?
Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;
Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,
Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,
Oo sida balanbaallis u burbura!
20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;
Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?
Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.

Next
Ayuub 3
Ayuub 5
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway