Add parallel Print Page Options

Yashuuca Oo La Wareegay Xilkii Muuse

31 Markaasaa Muuse tegey oo erayadan kula hadlay reer binu Israa'iil oo dhan. Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid. Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi, waxaa idin hor kici doona Yashuuca. Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey. Oo Rabbigu iyaga gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii aan idinku amray oo dhan. Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono. Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa. Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.

Akhrintii Sharciga

Markaasaa Muuse sharcigan qoray, oo wuxuu u dhiibay wadaaddadii reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan. 10 Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi, Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda, oo ah Iidda Waababka, 11 markii reer binu Israa'iil oo dhammu ay u yimaadaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meesha uu dooranayo, waa inaad sharcigan ku akhridaan reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo maqlaya. 12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan, 13 iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.

Caasinimada Reer Binu Israa'iil Oo La Sii Sheegay

14 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii shirka isdhex taageen. 15 Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii teendhada. 16 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan. 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin? 18 Oo anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale. 19 Haddaba gabaygan qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah. 20 Waayo, markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana way jebin doonaan. 21 Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor. 22 Sidaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo reer binu Israa'iil baray.

23 Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

24 Oo markii Muuse dhammaystiray sharcigan erayadiisii oo uu kitaab ku qoray ilaa ay wada dhammaadeen, 25 ayaa Muuse amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii, 26 Kitaabkan sharciga qaada, oo waxaad ag dhigtaan sanduuqa axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah inuu halkaas ku ahaado markhaati idinka gees ah. 27 Waayo, caasinimadiinna iyo madax adkaantiinna waan aqaan. Bal eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed? 28 Haddaba bal ii soo shiriya odayaasha qabiilooyinkiinna oo dhan iyo saraakiishiinna aan erayadan dhegahooda kula hadlee, oo aan samada iyo dhulkana u yeedha iyaga ha ku marag fureene. 29 Waayo, waan ogahay in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan.

Gabaygii Muuse

30 Kolkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.