Add parallel Print Page Options

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira,
Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa,
Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay,
Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga,
Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday,
Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa,
Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega,
Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada,
Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon,
Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay,
Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada,
Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah,
Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow,
Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.